Bishii Agoosto 9keedii, sanadkii 1996 ayey Ciidamada Xooga Itoobiyaanka soo weerareen Luuq iyo Balad Xaawo iyagoo ka soo tilaabay xadka degmada Doolow halkaas oo ciidamo badan oo Al-Itixaad lagu dilay.
Inta badan waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 100 qof oo xeryaha militari iyo saldhigyada Al-Itixaad lagu dilay mar ay ciidamada Xabashida weerar arooryaad ay ku soo qaadeen fadhiisinada Al-Itixaad ee degmooyinkaas, gaar ahaan Luuq. Waa maalintii koowaad ee ugu horaysay dagaalkii bilowday Agoosto 9aadkeedii 1996. Isla galabnimadiina way ka shareecdeen oo saldhigyadoodii ayey dib ugu laabteen iyaga oo xaduuda dhanka magaalada Doolow ka talaabay xadka. Maalmo ka dib geerida kor way u dhaaftay 300 oo qof shacab iyo ciidan Al Itixaad.
Deyrtii Biyo Badan ee Oktoobar ilaa dagaalkii labaad oo dhacay Disember 6, 1997, wax yar ka hor bishii 2aad 1997, xoogaga Al-Itaxaad waxay bilaabeen taatiko ah iney banaanada Daawo iyo Buuraha Gowraar ee gaalbeedka Degmada Baardheere galaan ugaarsi buuraha ahna ku laayaan cidii ay SNF ku tuhunto.
Cumar Xaaji Masale maalintii uu Mandheeraa iska dhiibay waxayd ahayd dagaalkii ugu dambeeyay ee Al-Itxaad iyo SNF oo Xabashi ay dabada ka riixayso iskaga horyimaadeen Degmooyinka Doolow, Balad Xaawo iyo Luuq. Waqooyiga Gobolka Gedo howlihii waxbarasho iyo adeegyadii kale oo dhan way istaageen sanadkaas ilaa sanadkii 1998 uu soo dhaweeyay dagaalo kale iyo nacayb ka dhex abuurma bulshada Gedo.

SNF iyo Itoobiyaan ayaa bishii 2aad 1997 weeraro ku soo qaaday iyaga oo ka soo gacodhigtey magaalooyinka Balad Xaawo iyo Luuq. Markii ay xoogaga Al-Itixaad firxad noqdeen oo hayaameen dhanka Buuraha Diirharo ee u dhexeeya sadexda dagmo ee kala ah Garbahaarreey , Ceelwaaq iyo Balad Xaawo.
Jeneraal Cumar Xaaji Masale ayaa mar walba u hadlayay SNF marka ay BBC iyo laamaha kale ee idaacadaha sida kuwa Carabta arinta dagaalada Gedo warka ku soo qaataan. Kornayl Cabdirisaaq Isaaq Biixi iyo ragii kale ee SNF kuma fara dhuudhuubnayn arimaha xoojinta colaada dhan walba; saxaafada, afkaar abuur shacabka dhexdiisa ah iyo xogsiin wadamada dariska iwm. Jeneraal Gaani iyo ragii kale ee SNF mar hore ayay dibadaha aadeen mar hadii UN ka tagtay Gedo sanadkii 1995 Maxamed Siyaad Barre Alle oofsaday.
Iska hor imaadkan dambe ee xoogan sida kii Agoosto 1996 waxaa uu dhexmaray xoogaga Al-Itaxaad iyo ururuka SNF oo markaas taageeradii shacabka wiiqmay maadaama shacabka Reer Gedo marnaba aysan dagaal diyaar u aheyn in Xabashi Gobolka Gedo timaadana aysan marnaba raali ka ahayn. Waxaa loo sii kala baxay hogaanka oo Reer Gedo aan u badnayn iyo howlaha bulshada waxbarashada oo Al Itixaad wadeen oo nacfi yeeshay.
Ururka Al Itixaad wuxuu marba marka ka dambaysa u muuqday mid dan kale leh taas oo laga soo agaasimay cari kale. Reer Gedo oo dhaqan u leh inay soo dhaweeyaan wax ala wixii diin sheeqta. Waxaa ururka ku soo dhex dhuuntay oo runtii inta badan majaraha u hayay dad iyagu qabiil dilooday oo damacsanaa in Reer Gedo wacdaro ku dhacaan iyada oo dagaal joogta ah laga hurinayo cariga isla markaana yoolka wayn uu ahaa in Amxaaro mar un lagu soo hogaamiyo Mareexaan.
Bulshada Gedo in badan oo ka mid ah ayaa u aragtay sidaa maxaa yeelay dagaal jihaad meel kale kama jirin, maxaa marka Gedo un ka dhigay? Wadaadada doonta waday ee aan Mareexaan ahayn laftigooda hadalkooda maalin walba waxaa laga akhrisanayay nacayb Mareexaan. Muslim qalbi fayowna cuqdad iyo nacayb waa ka saafi qalbigiisa.
Ujeedada waxay ahayd maadaama awooda qabiil ee Mareexaan ay Muqdisho iyo Kismaayo ku wiiqmi wayday sida la filanayay, waa in si un wax loogu dhimaa xirfad iyo xeelad kale mar diin loogu gabado. Waa afkaarta in badan oo bulshada reer Gedo ka mid ahi qabaan iyaga oo u joogay dhamaan dhacdooyinkii dhacay ee ay Al Itixaad horseedka u ahaayeen.
Dagaalada markaysan jirin, nabad iyo nolol barwaaqo ah ayay reer Gedo ku noolaayeen balse cadowgooda gudaha ayaanan u ogaalaanin in xaaladaas lagu sii waaro. Rag da' walba leh iyo dhalinyaro boqolaal gaaraysa ayaa ku naf wayday dagaaladaas qar iska tuurka ah ee ay Al Itaxaad u horseedeen shacabka Gobolka Gedo.
Diinta waxay qabtaa in nafta la maareeyo oo aan si sahal ah loogu tuman. Waa tii Nabigu NNK ha ahatee, markuu maqlay in nin asxaabi ahi biyo qabow inta uu ku qubaystay nafwaayey iyada oo la yiri asxaabta ayaa qaar kula taliyay asxaabiga uu Nebigu NNK ha ahaatee yiri, "Way dileene Allaha dilo."
Dagaal diineed Soomaailya xili abaaro, maamul la'aan ummada dhexdeed a ah, aysan jirina cudud ciidan iyo madax daacad ah, suurtogal kama ahan cidii iclaamisana waa jeebkeeda. Gedo wixii ka dhacayna Gef waxaan ahayna laguma tilmaami karo.
Ragii hoyraalka u ahaa Al Itixaad waxaa gobolka ku nagaaday labadii nin ee ugu sarsaraysay, gaar ahaan Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur oo dadka oo dhan ay jeclaayeen. Ragii xoogaa lahaa maamulkana meelo muhiim ah kaga jiray oo dhan Mandheeraa ayay isku shubeen dagaalkii 1997 ka dib. Maalkii iyo ganacsigii ay shirkooyinka ku noqdeen ayaa dacwooyin ka dilaacday ilaa qaarkooda ay Nairobi iskaga daba tageen. Sidaasna lagu ogaaday inay intooda badan Gedo u joogeen tacab maal iyo arimo qabiil marnabana aysan jihaad diyaar u ahayn.
No comments:
Post a Comment