Booqasho

Friday, 11 March 2011

Hogaaankii Al-Itxaad ee uu Mas’uulka ka ahaaa Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf


Shacabka gobolka Gedo oo door biday inay helaan wax un maamul ah mar haadii la waayey dowlad qaran, ayaa waxay soo dhaweeyeen oo u dhego nuglaadeen maamulkii Al-Itixaad ee ka bilwday waqooyiga gobolka Gedo ee degmooyinka Balad Xaawo iyo Luuq.

Waxaa taliskaa Itixaad ee Gedo hayey Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf. Sanadkii 1993 ayey Al-Itixaad si rasmi aah ulaa wareegeen Balad Xaawo waxayna horey sanadkii 1992 qabsadeen Degmada Luuq iyo adeegyadii dowlada sida amaanka, maxkamadaha, waxbarashada iwm. Ku Xigeenka Sh. Maxamed wuxuu ahaa Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur. Macalin Maxamuud xilyadii kala guurka Gobolka Gedo wuxuu ahaa nin reer Gedo ay aad u jeclaayeen.

Xisbiga uu Sheekha u adeegayay ee Al Itixaad, bulshada qaarbaa lur side u arkayay halka kuwo kale oo badana ay adeegyadiisa ka faa’iidaysanayeen dhanka amniga iyo waxbarashada. Ururka Al Itixaad dagaal ooge ayuu ahaa ummad Muslim ahna dhan xabada kaga babinayay.  Mar walba dhibka shacabka ayuu u badnaa maadama ay furin ka dhigteen gobolka gudihiisa sida magaalooyinka Luuq iyo Balad Xaawo meel kale ee markaas furin ahaydna ma jirin. Dadbaa runtii mar walba aaiminsan ama ilaa Maalinta Qiyaamaha qaba in qabiil dartiis saldhigyadaas loo sameeyay si dadka Gedo degan oo ka soo jeedo loo gumaado Xabashina loogu soo hogaamiyo.

Manhajka ka khaldanaa Al Itixaad ee ay Reer Gedo fahmi waayeen kaas ayuu ahaa nimanka SNF sidaas ayay aaminsanayeen laakiin hab gudbin wacyigaas ama kaftaartaas ma aysan alifin oo kama dhaadhicin bulshada Reer Gedo. Markii dambana dagaalo badan oo lagu hoobtay ka dib dhalinyaro badan oo Mareexaan ama Reer Gedo ah ku naf waayeen, sida caadada u ah Soomaalida qabiil ayaa lagu kala tagay oo cid walba way ka danaysatay adeegii diinta ee ay sheeganayeen madaxda u sarsaraysay xisbigaas intaan ka ahayn Sheekh Macalin Maxmuud Macalin Nuur oo adeega diintu dhab ka ahayd.

Sheekh Macalin Maxamuud cid walba ayaa jeclayd; dhalinyarada, odayaasha, taariikhyahanada gobolka iyo cid ala ciduu qaabilo xitaa cadowgiisa. Xogaanka Sare laakiin mucaaradkaa taliska Al-Itixaad waxaa ay ugu naanaasi jireen Baasabuur. Sheekh Maxamed waxaa in badan la isku raacay in hadaladiisa ay ahaayeen kuwo mar walba; hadalo qalafsan oo mar walba ka fogaa samo ka taliska. Ku xigeenka Sheekh Maxamed ayaa dadka reer Gedo isku hayay maadaama uu ka hadal jilicsanaa Sh. Maxamed.

No comments:

Post a Comment