Booqasho

Wednesday, 16 March 2011

Sh Xasan Daahir Aweys Ma Wadaad mise Qabiileyste?Taariikh dagaaleedkii Sh Xasan Daahir oo Banaanka La soo dhigay

Faalo: Qodobkan oo lagu daabacay maqaalka la yiraah Hidaha.com, ayaa ka hadlay qaybo ka mid ah waxyaabaha lagu barty Daahir Aweys iyo Siyaasadiisa ilaa intii uu soo ifbaxay magadciisa. Dadka Gobolka Gedo taariikh kale ayay ka hayaan Daahir Aweys iyo Xulufadiisii Al Itixaad.

Arinta Xisbiyada marnaba qabiil iyo nacayb kama marnayn. Tan uu yiri 1991 Araare yaanan Caydiid lagu hakinine dhaafa waxaa la mid ahayd tii Maxaakimta ay Jubba Hoose ku yimaadeen iyagoo Mareexaan doon ah halka ay Shabeellaha Hoose ka soo tilaabeen iyagoon la hadlin ina adeerkood.

Xasan Daahir Aweys iyo intii la fakarka ahayd ee Al Itixaad, Maxaakimtii iyo Al Shabaab, oo dantoodu ahayd diinta ugu gabada qabiilna ku laaya waxaa soo dhaweeyay dadka Reer Gedo oo mar walba diinta daacad u ah. Ururka Al Itixaad xarun waqti aad u gaaban jirtay ayay ka aas aaseen Gobolka Bari dagaal aan lala barbardhigi karin kii Gedo ka dhacayna waa uu dhacay. Dagaakii Gedo xasuus loola jeeday ayuu ahaa kii Bari ka dhacayna is tijaabin labo jabhadood ayuu ahaa.

Dagaalkii Gedo iyo daandaansigii Al Itixaad ee Amxaaro, markii dambe soo gashay gobolka iyaga oo ragii Al Itixaad qaarkood dantoodu ahayd sidaa iyaga oo rabay in Reer Gedo ay Xabashi xasuuqdo. Waa markii taariikhda ugu horaysay oo Gedo ay Xabashi cag soo dhigto. Dagaalkaas oo dhacay Dayrtii 1996 300 oo dhalinyaro Reer Gedo ah ayaa ku naf waayay. Nimankii Bari iyo Muqdisho ka yimidna markay xabada bilaabatay way carareen sidii hogaanka Maxaakimta ay yeeleen oo kale dabayaaqadii 2007.

Akhristoow waxaad ogaan Sheekh Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee inay Maxaakimta ka diideen Kismaayo ha ku boodina adinka oo Shabeellaha Hoose ka soo boodayo.

Intaasi hordhac iyo ifin wixii la soo maray ayay ahayd. Waa kan hoose maqaalka shabakada Hidaha.com ay kaga hadashay Xasan Daahir Aweys laguna daabay dhawaan.




Sh Xasan Daahir Aweys oo ah wadaad dagaal [ooga] ah oo haatana isu dhiibay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ka awood roonaadeen maleeshiyaadkiisii la oran jiray Xisbul Islaam.

Idaacada VOA-da ee ku hadasha Afka Sooomaaliga ayaa Barnaamij ay ugu magac dartay Ammuuraha Islaamka todobaadkan uga hadashay qeybtiisii 1aad taariikhda guddoomiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, gaar ahaan doorkiisii siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo mustaqbalkiisa.

Barnaamijkan ayaa ah mid hordhac ah wuxuuna ka soo hadlay taariikhihii soo maray Sh Xasan iyadoo lagu sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka xooga dalka Soomaaliya, markii dambana ku biiray urur diimeedyadii ka jiray [Koonfurta] Soomaaliya ilaa uu isugu biyo shubtay inuu Sh Xasan xubin Muhiim ah ka noqdo ururkaas oo la oran jiray Al-Itixaad ee caanka ka ahaa gayiga Soomaaliya.

Marka laga soo tago isbedelada iyo ururada uu kolba ku biirayay Sh Xasan Daahir Aweys, waxaa dhagaha dhageystayaasha soo jiitay taariikh dagaaleedkiisa iyo dowrkii uu ka qaatay dagaalada [sokeeye] ee Soomaaliya ilaa qaxii ka dib.

Markii Dowladii Kacaanka dhacday wadanka waxaa ka abuurmay jabhado aan isku siyaasad ahayn oo mid walbaa doonaysay inay xoog ku muquuniso inta kale.

Dadkii faraha badnaa ee ka qaxay Caasimada Soomaaliya Muqdisho waxaa ka mid ahaa tiro aad u badan oo maleeshiyaadkii Al-Itixaadka ka mid ahaa. Magaalada Kismaayo oo ahayd meelaha dadka ugu badani u qaxeen ayaa waxaa kaabiga saaray jabhadii uu hogaaminayay Janaraal Maxamed Faarax Caydiid Alle ha u Raxmadee oo ahaa ninkii ugu awooda weynaa jabhadihii markaa jiray marka laga eego dhinaca awooda ciidan.

Maleeshiyaadkii ururkii Al-Itixaad intoodii joogtay Gobolada Jubooyinka ayaa is abaabulay si ay u horjoogsadaan Maleeshiyaadka Janaraal Maxamed Faarax Caydii Alle ha u naxariistee ee baacsanayay jabhadihii [Faqashta] ay dagaalka isaga soo
horjeedeen.

Haddaba intuusan bilaaban dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyaadkii Janaraal Caydiid iyo Itixaadkii Gobolada Jubooyinka, sida uu sheegay Yusuf Abuukar oo ah taarikhiyahan Soomaaliyeed oo ka soo baxay Jamaacada Azhar ee dalka Masar, waxaa dadaal weyn muujiyay oo calan nabadeed qaatay Sh. Xasan Daahir Aweys oo markaas ku sugnaa Magaalada Muqdisho, wuxuuna u soo kicintamay dhinacaas iyo degmada Araare oo la isku horfadhiyay.

Sh Xasan Daahir ayaa isku dayay inuu Maleeshiyaadkii Itixaadka ee Gobolada Jubooyinka ku qanciyo inay Caydiid ka hor leexdaan oo aysan ka dhex galin baacsiga uu ku waday haraagii Dowlada Maxamed Siyaad Barre. Waxaase taas gaashaanka u daruuray Maleeshiyaadkii Itixaadka oo ahaa kuwo u badnaa Qabiilka Darood waxayna go’aansadeen inay Caydiid la dagaalamaan iyagoo ku sheegay dagaalkooda mid difaacu nafsi ah.

Sh Xasan waa uu ku fashilmay waan-waantii aan cadaalada ahayn, wuxuuna ku laabtay magaalada Muqdisho iyadoo labadii maleeshiyaad birta iska asleen walow markii dambe uu Janaraal Caydiid jiiray awoodii Itixaadka iyo tii Jabhadihii uu baacsanayay oo Kismaayo la wareegay.

Muddo kadib waxaa tiro aad u badan oo ka mid ahaa ururkii Al-itixaad isku urursadeen buuraleyda Gobolada Waqooyi Bari ee haatan loo yaqaan Puntland, xiligaas Sh Xasan Daahir wuxuu ku sugnaa magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo oo uu halkaas ka sii aaday Gobolada Waqooyi Bari, waxaana laga dhigay Taliyihii Maleeshiyaadkii Itixaadka ee deeganadaas.

Dagaaladdii Waqooyi Bari Sh Xasan Daahir wuxuu ku lahaa gacan weyn, wuxuu ahaa taliyihii maleeshiyaadka dagaal galiyay, wuxuuna ahaa ninkii qabtay Bosaaso, Qardho, Garoowe kana geystay xasuuq iyo barakicin baahsan.

Dagaaladii uu ururkii Al-Itixaad ka galay Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya wuxuu la galay jabhadii SSDF ee uu gar-wadeen ka ahaa korneel Cabdullahi Yusuf Axmed oo mar dambe noqday Madaxweynihii Dowlada Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya. Dagaaladii dhex maray labadaas dhinac waxaa looga adkaaday ururkii Al-Itixaaad ee uu Sh Aweys hogaaminyay.

Sh Aweys oo gacmihiisu ka qoyanaayeen dhiigii Soomaalidii Waqooyi Bari ayaa hadana markale isku dayay inuu Janaraal Caydiid u jid baneeyo oo markaas rabay inuu gobolka Gedo qabsado waxaase arintaas markale si qabyaaladaysan u diiday Maleeshiyaadkii reer Gedo. Lakiinse Sh Xasan ayaa markale qaatay calan nabadeyn oo Maleeshiyaadkii Reer Gado ee ururka Al-itixaad damcay inuu ku qanciyo inay ka hor leexdaan Maleeshiyaadkii Janaraal Caydiid.

Intaas kadib waxaa ku soo baxaya shakhsiyada Sh Xasan Daahir iyo waxa uu yahay, oo Sh Xasan labo jeer oo ay ka dhex qaraxday Janaraal Caydiidi Maleeshiyaadkii Itixaadka wuxuu ku baaqay nabad iyo in uusan dagaal dhicin, markii Korneel Cabdullahi Yusuf iyo Itixaadna abaan duule dagaal ayuu ka noqday. Mid waa hubaal Cudurka Sh Xasan haya wuxuu hayaa Soomaali oo dhan oo xitaa kuwii Araare ka dagaalamayay ee Itixaadka waxay Caydiid ula dagaalamayeen waxay ahayd qabyaalad iyo rag iska dhiciya.

Marka kale waxaad ogaataa qofkii u haystoow in Maleeshiyaadka Maanta iyo horjoogayaashooda garka la baxay cimaamadana xirtay ay yihiin diin u dirir inaysan ahayn oo mid kasta dantiisa gaarka ah iyo qabiil ka aargoosi u dagaalamayo.

Waxaa kaloo jira xan hoose oo ku aadan sababta Sh Aweys isugu dhiibay Maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo dadka qaar ku sheegeen inay jireen maleeshiyaad badan oo ku howgala magac Al-Shabaab oo ciil iyo cuqdad hore u qabay Sh Xasan Daahir iyo reer tolkiis oo mar un rabay in Sh Xasan xabada doorto markaasna ay dabka saaraan asaga iyo wixii ka ag dhowba. Lakiinse Sh Xasan Daahir oo dareensanaa arintaas ayaa doortay inuusan xabad ridin oo si nabdoon isu dhiibo. Arintaas oo ahayd mid loo bogaadiyay lana soo dhoweeyay marba haduu badbaadiyay dhiig iyo barakac ku iman lahaa dad iyagiiba toodii la yaaban lakiinse waxaa la rabay inuu go’aamada noocan oo kale mar hore qaato.

No comments:

Post a Comment