Arar
Dhibaatooyin farabadan oo garashada maskaxda fayow ka yaabiyey ayaa ku habsaday wadanka Soomaaliya laga soo bilaabo markii la dumiyey dowladii dhexe ee Soomaaliya bilowgii sanadkii 1991. Waxaa inta badan la aaminsanyahay cid walba oo nidaamka dowliga ah wax ku haysatey, dhaqaale ama jago ayaa horseed ka ahaaa abuurayna asbaabihii dowladii ay ku burburtey, burburkaas oo ummada Soomaaliyeed dib ugu celisay casri jaahiligii laga soo gudbay kal hore.
Dad badan oo maangaab ah oo nolol iyo darajo aduun Ilaah siiyay sida ganacsato aad loo yaqaan iyo dad badan oo xilal kala duwan u hayay dowlada sida maareeyeyaaal guud, agaasimeyaal, daljireyaal, wasiiro, saraakiil sar sare iyo shaqsiyaad la halmaalo ayaa horseed u noqday qar ka dhicii dowladii dhexe ee Soomaaliya. Shacabkii Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan ayaa gumaad iyo halaag aduun ku habsaday. Daafaha aduunkay ka dhaceen dadkii iyagoo qaxootinimo iyo sumcadxumo ku caanbaxay meel walba.
Deegaano badan oo sideed iyo tobanka gobol ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay laga soo bilaabo 1988 wax aan horey loo maqlin oo masiibo qaran un lagu tilaami karo.
Qoraalkan waxaan ku taaban doonaa meelaha aafada dagaalada ay si qoto dheer u saameeyeen. Caasimadii Muqdisho iyo deegaanada dhaca dhanka koonfureed ee Soomaaliya ayay si gaar ah u saameeyeen dhibaatooyinkii loo wada joogay ee dilka, dhaca, kufsiga iyo xadgudub walba oo dad sameyn karo. Waxaan qoraalkan si gaar ah ugu hadlaynaa dhacdooyinkii Gobolka Gedo. Gobolka Gedo waa gobol dhul baaxad weyn leh, 42,000km/sq. Waxaa Gedo ku nool dad tirakoobyada qiyaasta ah ay ka dhigeen inta u dhexeysa 600,000 ilaa 1,000,000 oo qof.
Dagaal, geeri, barakac iyo nafaqoxumo ba’an oo badiyaa la mid aheyd ama ka darneyd tii caasimada Soomaaliyaa ee Muqdisho ayaa ka dhacay meelo badan oo wadanka ka mid ah, gaar ahaan gobolada koonfureed. Xamar, oo qaxii ka hor dhowr sano lagu wada joogay Xabadi Keentay (soo qaxayaashii Hargeysa iyo Burco) iyo Xabadi Sugtey oo loola jeedaay kuwii magaca Xabadi Keentay baxshay oo ahaa Reer Muqisho, waxaa ka dambeeyay qax iyo masiibo baahsan.
Gobolka Gedo meelihii dhibka ba’an uu ka dhacay ayey ka mid aheyd. Sanadadii ciidamada caalamiga ay joogeen gobolka 1993-1994 ayey reer Gedo shar iyo dhib khaas ah ka badbaadeen. Amaanka caamka ah ee gobolka Gedo ka jirey, waxbarashada iyo ganacsiga waxaa qoraalo wax ku ool ah ka sameeyay hay’ado iyo shaqiyaad badan.
Nabad, reynreyn iyo barwaaqo ayaa Gedo lagu heystey mudo gaaban ka dib markii Muqdisho looga soo qaxay ciidamadii daroogada ku hubaysnaa ee Jeneral Caydiid. Nabada gobolka Gedowaxay timid markii laga eryay gobolka Gedo iyo degmooyinkiisa oo dhan ciidamadii USC ee qabiiliga ahaa kuwaas oo dadkii Hargeysa iyo Balad Xaawo inta u dhexaysa u kala eryay. Ciidama caalami ah ayaa gobolada Koonfureed intooda badan ka howlgalay 1993-1994.
Sanadadii Nabada, degmooyinka waqooyi ee Gedo sida Luuq iyo Balad Xaawo waxaa laga abaabulay manhaj waxbarasho oo Soomaaliya inteeda kale ay ka tusaale qaadatay.
Nabadii iyo barwaaqadii ma waarin. Markii ay ciidamadii caalamiga ahaa ka baxeen wadanka ayey arintii faraha ka baxday.
Dhacdooyinkii Gedo in badan wax ka badalay iyo xubnihii ka qeyb qaatey sida ururada, iyo shaqsiyaadka ayaan ku soo bandhigaynaa maqaalkan.
Tixraac
1.SNF (Somali National Front} Gedo, Jubbada Dhexe & Jubbada Hoose 1991-1999)
2.Soo Ifbixii Al-Itixaad ee Koonfurta Soomaaliya 1991-1998
3.Weerarkii ay Xabashida Al-Itixaad ku Gumaaday Luuq, Sebtember 1996
4.Dagaalkii Nus Dariisaqa 1997
5.Dagaalkii Dhaso iyo Nus Dariiq1997
6.Dagaalkii Buurdhuubo 1997
7.Heshiiskii SNF iyo Al-Itixaad, Ceel Cadde 1998
8.Dagaaalkii Ahliga ee Gedo 1998-2004
No comments:
Post a Comment