Booqasho

Friday, 11 March 2011

Bilowgii Dagaaladii Wejiyada Badnaa ee Gobolka Gedo


Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ee bilowdy sanadkii 1991 hagardaamooyin waaweyn ayaa ka soo gaaray bulshada reer Gedo. Waxaa gobolka Gedo ka dhacay dagaalo leh dhowr weji. Waxay  dagaaladan kala ahaayeen: Dagaalkii 1aad ee USC, Dagaalkii Qarsoonaa ee Raxweyn ee Hiilada USC, Dagaalkii USC ee Koonfurt Gedo iyo dagaalkii Ahliga ee gobolka 1998-2004.

Waxaa nasiib wanaag noqotey in dhowr jeer gobolka Gedo nolosha ka jirtey iyo nabada shacabka reer Gedo ay ku noolaayeen ay noqtay mid gobolada kale ay yiraahdaan “Allow yaa mar Gedo oo kale naga dhiga.”

Shariif Cabdinuur ayaa Muxaadaro uu jeediyey mar ku soo qaatay nabada bulshada Gedo iyo guud ahaan nolosha Gedo ay tahay mid Soomaaliya oo idil ay u baahantahay. Dhanka dhaqdhaqaaga ganacsiga, hay’ad Iswiidish ah oo baaris noocyo badan ka sameysay Soomaaliya waayihii 1990yadii ayaa sheegtay dhanka ganacsiga in ganacsatada Gedo ka macaash fiicanyihiin tusaale, kuwa ka ganacsada Hargeysa oo markaas xasilooni keligeed gaar u sheeganaysay.

Wax walba oo wanaag ah oo u hirgalay reer Gedo mudadii 1991 ilaa 1995, waxaa la ilaawaan ka dhigay burburkii iyo barakicii ay gaysteen qolooyinkii ku hardamay gobolka oo ay kow ka ahaayeen SNF iyo Al-Itixaad. Tuducyada soo socda ayaan ku dulmarnay mid walba iyo doorkii ay ururadan ka qaateen marxaladihii uu soo maray gobolka Gedo.


Tixraac


1.SNF (Somali National Front} Gedo, Jubbada Dhexe & Jubbada Hoose 1991-1999)
2.Soo Ifbixii Al-Itixaad ee Koonfurta Soomaaliya 1991-1998
3.Weerarkii ay Xabashida Al-Itixaad ku Gumaaday Luuq, Sebtember 1996
4.Dagaalkii Nus Dariisaqa 1997
5.Dagaalkii Dhaso iyo Nus Dariiq1997
6.Dagaalkii Buurdhuubo 1997
7.Heshiiskii SNF iyo Al-Itixaad, Ceel Cadde 1998
8.Dagaaalkii Ahliga ee Gedo 1998-2004

No comments:

Post a Comment