Shirkii Heshiiskii Ceel Cadde Ee SNF iyo Al-Itixaad 1998
Heshiiskan oo mudo ka socday tuulada Ceel Cadde ee degmada Garbahaarreey ayaa SNF waxaa ay Al-Itixaad kula heshiiyeen in dagaalka ka socda gobolka laa joojiyo gebi ahaanba. Mudo 3 bilood ah ayuu shirkaan socday iyada oo bulshada Gedo ay shirka ugu deeqday in ka badan 50 neef oo geel ah, tiro lo’a ah iyo ari tiro badan. Kharashka kale ee ku baxay wuxuu ahaaa mid dad yar ogaayeen qiyaaastiisun aheyd $50,000.00 US.
Waxaa ay Al-Itixaad ku gacan sareeyeen goobaha dagaalada sida Ceel Waaq, Buurdhuubo, Faafaxdhuun, Tuulo Barwaaqo, Caracase, halka SNF ay ka talinayeen Degmooyinka Belad Xaawo, Baardheere, Luuq iyo Doolow.
Waxaa ay ergadii SNF ku hanweynayeen guul iyagoo doonayey iney ku daraan qodobada heshiiska in Al-Itixaad ay soo wareejiyaan hubka. Ceel Waaq ayey aheyd meeshii Al-Itixaad looga qabsaday ilaa 13 tekniko iyo gawaari dagaal. Waxaa sidoo kale laga qabsaday SNF noocyo badan oo hub ah sida Qabaalo, Suu, BKT, Baroomo dhulka yaalay oo aan gaadiid saarneyn markaas iyo B10.
Heshiiskan, oo runtii markii hore googol wada hadal un ku bilowday, waxaa joogay Ugaas Cumar iyo Yuusuf Garre, waxaa SNF uga qeyb galay Dr. Cali Nuur, Cabdirisaaq Isaaq Biixi halka Al-Itixaad ay matalayeen Xuseen Guuleed Aadan Deer iyo Barre Qooje.
Heshiiska hal qodob unbaa muhiim ahaa, kaas oo ahaa in nabad lagu dabaalo gobolka Gedo. Waxaa ilaa horaantii sanadadii 1990yadii lagu waday hadii nabadii bilaabaatey 1993 ay waarto, in Gedo looga yimaado meel walba oo ka mid ah Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment