Booqasho

Friday, 11 March 2011

Baardheere iyo Qalalaasihii SNF

Qalalaasihii Maamulka SNF iyo Maamulka Degmada Baardheere

Balad Xaawo wixii ka dhacay waxay horudhac u aheyd arimo foolxun oo Garbaahaarreey iyo Baaardheere ka dhacay. Balad Xaawo si nasiibdaro ah ayay u kala jabeen garbihii markii markii horaba isku hayay hogaanka SNF. Dhacdadii Balad Xaawo ee fadeexada noqtey ka dib, dhanka Garbahaarreey ayuu u dhaqaajiyey Jeneralaka oo dabkii koowaad oogay. Wax soo dhaweyn ah kama uusan helin reer Garbahaarreey oo iyaguna gaarkooda ula yaabanaa sheekada masraxa ka socota. Hadii uu soo dhaweyn waayey, Jeneraalka dhanka Baardheere ayuu u sii tilaabay.

Baardheere oo iska degan, dowlad aan saas u buurneyn u dhisantahay ayuu u yimid. Wuxuu ku dhaqaaqay inuu khilaaf  ka unkamo. Wuxuu bulshadii isku yeeray goobtii Shiirkole.  Maadaama uu ahaa qofka ugu sareeya taliska SNF, wuxuuna magacaabay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen isaga oo buul ka dhigay gudoomiyihii iyo kuxigeenkiisii horey u jirey.

Reer Baardheere oo ah dad isk xoogsado oo beerahooda fasha kana dhega xirnaa dhacdooyinka waqooyiga gobolka ayaa garan waayey waxay ka yeelaan arinta hogaankii SNF ay la yimaadeen.

Sidan ayey ahaayeen gudoomiye iyo ku xigeenkiisii; Xasan Ugaas Gudoomiye, Maxamed Cabdi Dhurwaa, halka uu Cumar Xaaji magacaabay Maxamed Aw Siraad Gudoomiye, Dhub Iswaal.

Halkaas kuma uusan istaagin Cumar Xaaji ee wuxuu yiri Gudoomiyaha ururka Haweenka waxaan u magacaabay Saxarla Shide Maxamuud Dhoore iyada oo ay jagadaas haysay Nasro Cabdulaahi Xasan Nuur.

Dadkii goobta joogay isxabadeyn iyo qalqal ayey ayey kala kulmeen goobtaas. Dadkii wax garadka ahaa iyo ragii kale ee xubnaha sar sare ka ahaa SNF sida Cabdirisaaq Isaaq Biixi waxay yiraahdeen maalintaas Cumar awood uma laha falkaan uu maanta ku dhaqaaay. Waa baaskii labaad ee Cumar Xaaji ka dhex abuuray bulshada gobolka Gedo.

No comments:

Post a Comment