Bishii 9aad ee 1996, waa bishii ciidamada Xabishda Gedo cag soo dhigidooda ugu horaysay ilaa 1998 colaado ayaa ka jiray Gobolka Gedo. Dhibka dheef ayaa ka horeeyay oo waxaa ka sii horeeyay xili nabad iyo barwaaqo oo uu gobolka soo maray waayihii wadanka intiisa kale gaajo iyo cagobararka loo li'anayay. Gurmadkii Qaramada Midoobay ayaa xigay. Waayaha nabada iyo barwaaqada Gedo waxaa muxaadaradiisa wanaaga Gedo ku darsday Sheekhu Soomaal, Sheekh Shariif Cabdinuur.
Dabayaaqadii 1998, Cumar Xaaji oo joogay Doolow oo la jooga taliska ciidamada Itoobiya ayaa u yeeray Dr. Cali Nuur. Waxaa la amray in isku soo bax uu iskugu yeero dadka Balad Xaawo uguna khudbeeyo inaan wax heshiis ah lala gelin Al-Itixaad; wixii heshiis horey looga wada hadlayne ay dib uga laabteen.
Inta uusan dhameysan hadalkiisii ayaa wuxuu Cumar Xaaji sidoo kale goobtii ku dhawaaqay inuu Dr. Nuur ka qaaday jegadii ku-xigeenka SNF, uuna u dhiibay Ciise Ugaas.
Falalkan iyo arimo kale sida in ururka in waxgaradka Gedo ay ka maqnaayeen. Matalaad la'aanta Reer Gedo isaga oo gobolka uu magangelyo siiyay nus milyan barakacayaal ah oo Reer Galgaduud, Reer Banaadir, Reer Hiiraan iyo gobolo kaleba ay ku jireen, ayaa waayihii dambe laga soo bilaabo xoogaysigii Al Itixaad ilaa hanashadii maamulka Jubbada Hoose loogu abaal guday Gedo iyo Reer Gedo in dagaal un la dhex dhigo.
Intii Gedo timid oo dhan dhib ayay la damceen; Al Itixaad, Cumar Xaaji, Barre Hiiraale, Xasan Daahir Aweys iyo kuwo kale.
Gobolka Gedo arxan kama helin cid walba oo dhexdeeda jago laga siiyay ama ciidan iyo garab ka helay xitaa Barre Hiiraale oo ay Reer Gedo mas'uul ka ahaayeen cududa gacanta ku dhigtay Jubba Hoose.
Dabayaaqadii 1998, Cumar Xaaji oo joogay Doolow oo la jooga taliska ciidamada Itoobiya ayaa u yeeray Dr. Cali Nuur. Waxaa la amray in isku soo bax uu iskugu yeero dadka Balad Xaawo uguna khudbeeyo inaan wax heshiis ah lala gelin Al-Itixaad; wixii heshiis horey looga wada hadlayne ay dib uga laabteen.
Inta uusan dhameysan hadalkiisii ayaa wuxuu Cumar Xaaji sidoo kale goobtii ku dhawaaqay inuu Dr. Nuur ka qaaday jegadii kuxigeenka SNF, uuna u dhiibay Ciise Ugaas!
Sanadkii 1999 ayaa bilowday. Maalintii xigtey markii Dr. Cali Nuur uu yiri, “Waan ka laabanay heshiiskii Al-Itixaad.” Jeneral Cumar Xaaji Maxamed, waxaa uu ula jeeday ilaa hada lala amakaagsanayahay, wuxuu yiri, “Wax alle waxaan ku heshiinay Al-Itixaad waa noo go’aan waana la heshiinay oo nabad ayaan kula heshiinay.” Hadii Al-Itixaad ay soo dirsadaan wiilal yar yar waan la hadlaynaa.”
Dilkii Dr. Cali Nuur
Reer Gedo oo aan dagaal ceel iyo qolo qolo lagu aqoon aya waxaa bilowday dagaaal reer Gedo dhexdooda ah kaas oo ka dhashay dilkii Dr. Cali Nuur ka dib markii dilkiisa si loo macneeyo la waayay. Maamulkii SNF gudigiisa sar sare oo Reer Gedo ay ka maqnaayeen ayaa sababtay in si waafi ah loo sharixi waayo dilka Dr. Cali Nuur iyo guud ahaan wejiga cusub ee iska hor imaadyada iyo khilaafka siyaasadeed ee markaas gobolka ka taagnaa. Jifadii uu ka dhashaay Dr. Cali Nuur ayaa gaar isu taagtay.
Waxaa xigay in Luuq, Garbahaarreey iyo Buurdhbuubo nabad lagu wada joogi waayey. Lix sano, laga soo bilaabo 1998 ilaa 2004 ayaa meelo badan oo gobolka Gedo ka tirsan la isu mari waayey. Qax iyo barakac gudaha gobolka ah ayaa dhacay.
Mudo dheer ka dib ayaa fadhi laga yeeshay arintaas oo caasimada Garbahaaarreey ee gobolka ayaa sadex bilood laga wada xaajooday dhibka yaal Gedo. Gobolka Gedo oo bulshadeeda ay wada galeen la dagaalankii gaalo madow boqol sano ka hor, ayaa waxaa la dhex keenay colaadii gobolada dhexe ee wadanka lagu yaqiinaay. Dagaal joogta ah oo qoys qoys la isku gumaado.
Fadhigii Garbahaarreey waa uu mirro dhalay. Heshiis caam ah ayaa la gaaray ilaa la helay nabad waarta oo todobada degmo ee gobolka si nabad ah lagu waada noolaado noloshii iyo ganacsigiine uu caadi ku soo laabtay. Laguna heshiiyay iyo dowlad gobol la dhiso iyada oo degmooyinka 32 xubno gudi golle dhexe oo gobol laga soo dooranayo.
Meeshii lagu gaaray hortaantii 2005, gobolka Gedo nabad buuxda iyo nasri Ilaah ayuu helay dadkuna way u riyaaqeen isbdalkaas cusub. Burburkii SNF dan ayaa ugu jirtay Gedo.
No comments:
Post a Comment