1992-1996: Sanadadii Barwaaqada iyo Nabada ee Gobolka Gedo
Gobolka Gedo waxaa soo maray sanado lagu xuso wanaag, barwaaqo iyo reynreyn. Iyada oo inta badan gobolada Soomaaliya dhib badan oo noocyo badan iskugu jira ayaa waxaaa shacabka Gedo uu ku noolaa barwaaqo iyo horumar dhinacyo badan lahaa. Sadexda degmo ee Luuq, Garbahaarreey iyo Balad Xaawo waxaa horaan sanadkii 1992 gacanta ku dhigay ururkii Al-Itixaad. Degmooyinka Koonfureed ee Baardheere iyo Buurdhuubo xaaladooda way ay deganayd ilaa 1996.
Dadkaa reer Gedo waxay dareemaan wanaag markay milicsadaan sanadadii 1992 ilaa sanadkii 1996 ka hor inteysan Xabashida soo weerarin magaalada Luuq. Da’ yarta sadexdan degmo waxaa ay aroor walba u kalihi jireen madarasooyin diini ah iyo dugsi maadiga lagu barto oo xaafad walbaa ka furnaa. Manhaj aad loo soo agaasimay oo halbeeg lahaa ayaaa la bari jirey kumanaan kun oo ardaay oo reer Gedo ah.
Dhanka amaanka degmooyinka waqooyi ee Gobolka Gedo waxay ahaayeen meel maamul la isku haleyn karo uu ka jirey. Dhacdooyin taas tusaaale u ah waxaa k mid ahaa in gaadiidka oo Soomaaaliya inteeda kale aad la iskaga dhici jirey waxay arimahaas Gedo ka ahaayeen arin lagu diimo degmooyinka badankii. Tusaale, celintii gawaaridii laga soo dhacay Mandheeraa oo la keenay Garbahaarreey iyo Baardheere. Inta jeer ee gawaari Mandheera laga soo dhacay oo Balad Xaawo lala soo galay ka dib Al-Itixaad ay dib u celiyeen lama soo koobi karo.
Gawaaridan inta badan hay’ado ayaa lahaa. Mar ay dhacday 1993 in gaari shaqsi reer Mandheeraa ah uu lahaa oo waxaa jirey sanad dhanka Gedo lala soo galay oo ilaa Baardheere ka dib 1994 ayay suurgto gashay in dib loogu celiyo mulkiilihii lahaa gaarigaas. Sidoo kale waxaa jirtay dabayaadii 1995 in booyad hay’adaha UN-ka ay la haayeen niman dhaceen ka dibna dhanka Balad Xaawo la aadeen. Waxaa isku day soo celin isku dayey Al-Itixaad. Nimaankii burcadka ahaa waxay dagaal la galeen nimankii ugu yimid iney kala wareegaan booyada ka dibna dib ugu celiyaan Baardheere.
Dagaal is rasaaseyn ah ka dib nin ayaa lagu dilay. Arinta oo weji qabiil yeelatey darteed ayey Al-Itixaad aqbaleen dhexdhexaadin qabiil. Sidaas ayaa nimankii burcadka ahaa intoodii badbaaday loo ogolaaday iney haystaan booyada maadaama haya’adihii ku adeegi jirey ay sanadka dhamaadkiisi ka guureen Baardheere.
No comments:
Post a Comment