Xurguftii SNF iyo Al Itixaad iyo Heshiiskii Hawaase Ee 1996
Kolkii SNF ay wayday muruq ay ku maquuniso Al-Itixaad ayay hogaanka SNF doorbideen adeegsida cudud Xabashi. Meelihii ay bulshada ku dayrisay SNF ayay arintaan ka mid noqotey.
Waxaa uu heshiis dhex maray dowlada Itoobiya iyo xoogageeda militeri iyo dhowr nin oo iyagu markaas sheegtay iney matalayeen maamulka Gedo iyo SNF oo ahaa garab militari oo Sade. Nimankan magac ahaan waxaa ay kala ahaayeen:
- Xasan Cabdi Xiireey (XasanDeer)
- Ciise Ugaas Cabdulle
- Jeneraal Cumar Xaaji Maxamed, Hogaamiyaha SNF
- Xaaji Yuusuf, Gudoomiye Degmada Balad Xaawo
- Korneyl Cabdirisaaq Isaaq Biixi, Xubin SNF
- Dr. Cali Nuur, Hogaanka Laanta Siyaasada SNF
Heshiiska Hawaase wuxuu tibaaxayay in ciidamada xooga ee wadanka Itoobiya ay soo geli karaan gudaha gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Doolow, Luuq iyo Balad Xaawo. Arintaan markii ugu horeysay way dhabowday. Waxaa ay Itoobiyaanka hubeeyeen ilaa 470 nin kuwaas oo hub qafiif ah ay ku hubeeyeen.
Jeneraal Cumar Xaaji oo la waraystey ayaa yiri, “Xaq ayey u leeyihiin iney ciidamada Itoobiya soo galaan maadaama Al-Itixaad ay yihiin kuwa iyaga dhibaya.”
Dabayaaqadii 1996 ilaa 1997, falal aad u fool xun oo Al-Itaxaad ay geysteen iyo dhib badan oo noocyo badan leh sida dagaalo Sade dhexdiisa ah iyo roobab ayaa saameeyay noloshada bulshada gobolka Gedo. Roobkii Deyrtii Biyo Badan ayaa ka dhacday koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubooyinka. Roobkaas wuxuu da’ay si aan kala go’ laheyn bilihii Oktoobar ilaa iyo Nofeembar.
No comments:
Post a Comment