Booqasho

Friday, 11 March 2011

Askunkii Ururka SNF ee Gedo


Ururka SNF ama Somali National Front (SNF) wuxuu uskunmay mudo gaaban ka dib markii dowladii dhexe ee qaranka Soomaaliya ay maleeshiyaad hubeysan isku kaashadeen af gambi qaran iyaga oo aan wadanka talo u hayn. Ka dibna ay ka baxeen caasimadii Muqdisho dhamaan dadkii adeegyada kala duwan u hayay shacabka, madaxweynihiina uu Gedo u soo qaxay ilaa dhamaan wakaaladihii iyo hay’adihii dowlada ay burburaan ugu dambayntiina madaxdii wadanka u haayaameen meelo kala duwan dalka iyo dibadaba.

SNF waxaa abaabulay saraakiil ku heybtirsada beesha Sade iyo taageerayaasheeda. Waxaa hogaanka garabka militari ee SNF qabtey Jeneraal Cumar Xaaji Maxamed, waxaana ku xigeen ahaa Maxamuud Khaliif Shire Mataan. Garabka siyaasadeed ee SNF waxaa loo dhiibay Dr. Cali Nuur oo taqasuskiisu ahaa culuunta beeraha.

Mudo shan sano ah ayuu maamulka iyo talada SNF wax xarakaat ah uusan yeelan ilaa markii ururka Al-Itaxaad oo nasteexo diin sheeganayay inuu ka waday gobolka Gedo laakiin markii dambe la isku raacay in shaqsiyaadka talada guud hayey ay arin dadban u adeegsanayeen dhalinyaro aan weli waa badan u baryin wacyiga wadankane aan wax badan ka ogeyn.

Waxaa dhamaadkii sanadkii 1996 bishii 8aad dagaal culus dhex maray ciidamada Itoobiya iyo Al-Itaxaad oo gebi ahaan talada iyo maamulka kala wareegay dowladihii degmooyinka gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo ilaa iyo xad degmada Balad Xaawo. Qeybtii dambe ee 1990yadii Balad Xaawo waxay noqotey saldhigaa taaliska iyo Saadka ururka SNF oo in badan oo shacabkaa reer Gedo taageero ka haystey.

No comments:

Post a Comment