Faalo: Qodobkan oo lagu daabacay maqaalka la yiraah Hidaha.com, ayaa ka hadlay qaybo ka mid ah waxyaabaha lagu barty Daahir Aweys iyo Siyaasadiisa ilaa intii uu soo ifbaxay magadciisa. Dadka Gobolka Gedo taariikh kale ayay ka hayaan Daahir Aweys iyo Xulufadiisii Al Itixaad.
Arinta Xisbiyada marnaba qabiil iyo nacayb kama marnayn. Tan uu yiri 1991 Araare yaanan Caydiid lagu hakinine dhaafa waxaa la mid ahayd tii Maxaakimta ay Jubba Hoose ku yimaadeen iyagoo Mareexaan doon ah halka ay Shabeellaha Hoose ka soo tilaabeen iyagoon la hadlin ina adeerkood.
Xasan Daahir Aweys iyo intii la fakarka ahayd ee Al Itixaad, Maxaakimtii iyo Al Shabaab, oo dantoodu ahayd diinta ugu gabada qabiilna ku laaya waxaa soo dhaweeyay dadka Reer Gedo oo mar walba diinta daacad u ah. Ururka Al Itixaad xarun waqti aad u gaaban jirtay ayay ka aas aaseen Gobolka Bari dagaal aan lala barbardhigi karin kii Gedo ka dhacayna waa uu dhacay. Dagaakii Gedo xasuus loola jeeday ayuu ahaa kii Bari ka dhacayna is tijaabin labo jabhadood ayuu ahaa.
Dagaalkii Gedo iyo daandaansigii Al Itixaad ee Amxaaro, markii dambe soo gashay gobolka iyaga oo ragii Al Itixaad qaarkood dantoodu ahayd sidaa iyaga oo rabay in Reer Gedo ay Xabashi xasuuqdo. Waa markii taariikhda ugu horaysay oo Gedo ay Xabashi cag soo dhigto. Dagaalkaas oo dhacay Dayrtii 1996 300 oo dhalinyaro Reer Gedo ah ayaa ku naf waayay. Nimankii Bari iyo Muqdisho ka yimidna markay xabada bilaabatay way carareen sidii hogaanka Maxaakimta ay yeeleen oo kale dabayaaqadii 2007.
Akhristoow waxaad ogaan Sheekh Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee inay Maxaakimta ka diideen Kismaayo ha ku boodina adinka oo Shabeellaha Hoose ka soo boodayo.
Intaasi hordhac iyo ifin wixii la soo maray ayay ahayd. Waa kan hoose maqaalka shabakada Hidaha.com ay kaga hadashay Xasan Daahir Aweys laguna daabay dhawaan.
Sh Xasan Daahir Aweys oo ah wadaad dagaal [ooga] ah oo haatana isu dhiibay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ka awood roonaadeen maleeshiyaadkiisii la oran jiray Xisbul Islaam.
Idaacada VOA-da ee ku hadasha Afka Sooomaaliga ayaa Barnaamij ay ugu magac dartay Ammuuraha Islaamka todobaadkan uga hadashay qeybtiisii 1aad taariikhda guddoomiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, gaar ahaan doorkiisii siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo mustaqbalkiisa.
Barnaamijkan ayaa ah mid hordhac ah wuxuuna ka soo hadlay taariikhihii soo maray Sh Xasan iyadoo lagu sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka xooga dalka Soomaaliya, markii dambana ku biiray urur diimeedyadii ka jiray [Koonfurta] Soomaaliya ilaa uu isugu biyo shubtay inuu Sh Xasan xubin Muhiim ah ka noqdo ururkaas oo la oran jiray Al-Itixaad ee caanka ka ahaa gayiga Soomaaliya.
Marka laga soo tago isbedelada iyo ururada uu kolba ku biirayay Sh Xasan Daahir Aweys, waxaa dhagaha dhageystayaasha soo jiitay taariikh dagaaleedkiisa iyo dowrkii uu ka qaatay dagaalada [sokeeye] ee Soomaaliya ilaa qaxii ka dib.
Markii Dowladii Kacaanka dhacday wadanka waxaa ka abuurmay jabhado aan isku siyaasad ahayn oo mid walbaa doonaysay inay xoog ku muquuniso inta kale.
Dadkii faraha badnaa ee ka qaxay Caasimada Soomaaliya Muqdisho waxaa ka mid ahaa tiro aad u badan oo maleeshiyaadkii Al-Itixaadka ka mid ahaa. Magaalada Kismaayo oo ahayd meelaha dadka ugu badani u qaxeen ayaa waxaa kaabiga saaray jabhadii uu hogaaminayay Janaraal Maxamed Faarax Caydiid Alle ha u Raxmadee oo ahaa ninkii ugu awooda weynaa jabhadihii markaa jiray marka laga eego dhinaca awooda ciidan.
Maleeshiyaadkii ururkii Al-Itixaad intoodii joogtay Gobolada Jubooyinka ayaa is abaabulay si ay u horjoogsadaan Maleeshiyaadka Janaraal Maxamed Faarax Caydii Alle ha u naxariistee ee baacsanayay jabhadihii [Faqashta] ay dagaalka isaga soo
horjeedeen.
Haddaba intuusan bilaaban dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyaadkii Janaraal Caydiid iyo Itixaadkii Gobolada Jubooyinka, sida uu sheegay Yusuf Abuukar oo ah taarikhiyahan Soomaaliyeed oo ka soo baxay Jamaacada Azhar ee dalka Masar, waxaa dadaal weyn muujiyay oo calan nabadeed qaatay Sh. Xasan Daahir Aweys oo markaas ku sugnaa Magaalada Muqdisho, wuxuuna u soo kicintamay dhinacaas iyo degmada Araare oo la isku horfadhiyay.
Sh Xasan Daahir ayaa isku dayay inuu Maleeshiyaadkii Itixaadka ee Gobolada Jubooyinka ku qanciyo inay Caydiid ka hor leexdaan oo aysan ka dhex galin baacsiga uu ku waday haraagii Dowlada Maxamed Siyaad Barre. Waxaase taas gaashaanka u daruuray Maleeshiyaadkii Itixaadka oo ahaa kuwo u badnaa Qabiilka Darood waxayna go’aansadeen inay Caydiid la dagaalamaan iyagoo ku sheegay dagaalkooda mid difaacu nafsi ah.
Sh Xasan waa uu ku fashilmay waan-waantii aan cadaalada ahayn, wuxuuna ku laabtay magaalada Muqdisho iyadoo labadii maleeshiyaad birta iska asleen walow markii dambe uu Janaraal Caydiid jiiray awoodii Itixaadka iyo tii Jabhadihii uu baacsanayay oo Kismaayo la wareegay.
Muddo kadib waxaa tiro aad u badan oo ka mid ahaa ururkii Al-itixaad isku urursadeen buuraleyda Gobolada Waqooyi Bari ee haatan loo yaqaan Puntland, xiligaas Sh Xasan Daahir wuxuu ku sugnaa magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo oo uu halkaas ka sii aaday Gobolada Waqooyi Bari, waxaana laga dhigay Taliyihii Maleeshiyaadkii Itixaadka ee deeganadaas.
Dagaaladdii Waqooyi Bari Sh Xasan Daahir wuxuu ku lahaa gacan weyn, wuxuu ahaa taliyihii maleeshiyaadka dagaal galiyay, wuxuuna ahaa ninkii qabtay Bosaaso, Qardho, Garoowe kana geystay xasuuq iyo barakicin baahsan.
Dagaaladii uu ururkii Al-Itixaad ka galay Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya wuxuu la galay jabhadii SSDF ee uu gar-wadeen ka ahaa korneel Cabdullahi Yusuf Axmed oo mar dambe noqday Madaxweynihii Dowlada Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya. Dagaaladii dhex maray labadaas dhinac waxaa looga adkaaday ururkii Al-Itixaaad ee uu Sh Aweys hogaaminyay.
Sh Aweys oo gacmihiisu ka qoyanaayeen dhiigii Soomaalidii Waqooyi Bari ayaa hadana markale isku dayay inuu Janaraal Caydiid u jid baneeyo oo markaas rabay inuu gobolka Gedo qabsado waxaase arintaas markale si qabyaaladaysan u diiday Maleeshiyaadkii reer Gedo. Lakiinse Sh Xasan ayaa markale qaatay calan nabadeyn oo Maleeshiyaadkii Reer Gado ee ururka Al-itixaad damcay inuu ku qanciyo inay ka hor leexdaan Maleeshiyaadkii Janaraal Caydiid.
Intaas kadib waxaa ku soo baxaya shakhsiyada Sh Xasan Daahir iyo waxa uu yahay, oo Sh Xasan labo jeer oo ay ka dhex qaraxday Janaraal Caydiidi Maleeshiyaadkii Itixaadka wuxuu ku baaqay nabad iyo in uusan dagaal dhicin, markii Korneel Cabdullahi Yusuf iyo Itixaadna abaan duule dagaal ayuu ka noqday. Mid waa hubaal Cudurka Sh Xasan haya wuxuu hayaa Soomaali oo dhan oo xitaa kuwii Araare ka dagaalamayay ee Itixaadka waxay Caydiid ula dagaalamayeen waxay ahayd qabyaalad iyo rag iska dhiciya.
Marka kale waxaad ogaataa qofkii u haystoow in Maleeshiyaadka Maanta iyo horjoogayaashooda garka la baxay cimaamadana xirtay ay yihiin diin u dirir inaysan ahayn oo mid kasta dantiisa gaarka ah iyo qabiil ka aargoosi u dagaalamayo.
Waxaa kaloo jira xan hoose oo ku aadan sababta Sh Aweys isugu dhiibay Maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo dadka qaar ku sheegeen inay jireen maleeshiyaad badan oo ku howgala magac Al-Shabaab oo ciil iyo cuqdad hore u qabay Sh Xasan Daahir iyo reer tolkiis oo mar un rabay in Sh Xasan xabada doorto markaasna ay dabka saaraan asaga iyo wixii ka ag dhowba. Lakiinse Sh Xasan Daahir oo dareensanaa arintaas ayaa doortay inuusan xabad ridin oo si nabdoon isu dhiibo. Arintaas oo ahayd mid loo bogaadiyay lana soo dhoweeyay marba haduu badbaadiyay dhiig iyo barakac ku iman lahaa dad iyagiiba toodii la yaaban lakiinse waxaa la rabay inuu go’aamada noocan oo kale mar hore qaato.
Gedo Region Archives - Events from 800 years ago to recent events from mid-1800s to the Somali Civil War of late 20th century.
Booqasho
Wednesday, 16 March 2011
Friday, 11 March 2011
Saldhigyada Gobolka Gedo ee Ciidanka Xooga Dalka
Fariisimada Militiri ee Gobolka Gedo
Saldhigyada Waaweyn ee Gobolka Gedo
1. Garbahaarreey
Xarunta Gaaska Gobolka Gedo
2. Luuq
Xarunta Ururka Libside
Difaaca Cirka – Jenetayaal ama qoryaha 100mm, 152mm
3. Balad Xaawo
Guutada 77aad
Lidka Diyaaradaha, Madaafiicda Goobta
4. Luuq
Ururka Hilaac
Gaadiidka Gaashaaman
5. Luuq
Guutada 16aad, Saldhiga Qooneey, Caabinta Guud
6. Malkaarreey
Xerada Tababarka Ciidanka Xooga Dalka 1960
7. Baardheere, Sarinleey iyo Maroodilow
Saldhiga 43aad
Xerada Bulsho ee Ciidanka Xooga Dalka
Xarunta Dabridka Degmada Baardheere
Guutada 54aad – 1963 (Horarkii Waraabaha), 1976 loo raray Furinta
Eriteriya iyo Shaqaalayntii Dulaalayda Dagaal Oogayaasha
Bilowgii Eriteriya: Faragelinta Soomaaliya iyo Shaqaaleyntii Dulaaleyda
Meeshii lagu gaaray 1999kii, waxaa Soomaaliya oo dhan Waqooyi iyo Koonfur soo baxay niman calooshood u shaqaystayaal ah oo Itoobiya iyo Ereteria u kala adeega. Habeynadii maalintii yaabka uu k dhigay Baardheere, ayuu saqdii dhexe Korneyl Cumar Xaaji u dhaqaajiyey halkaas iyo Muqdisho via Jilib. Dadka Baardheere oo wanaag wada degenaasho ka dhexeeyo ayuu Korneylka la soo galay qas iyo dhibkii hoganaka SNF gobolk Gedo u gaystay.
Arootii markii Cumar laga waayay magaalda Baardheere, waxaa la isla dhex maray in isaga iyo saraakiil kale oo deegaano kale oo koonfurta Soomaaliya xarakaad ku lahaa, iney qandaraas hub soo dejin ka heleen dowlada Ereteriya.
Ereteriya oo markaas hubeynaysay dhaqdhaqaaqa Oromo oo ku sugnaa Xamar oo la dagaalmayey Itoobiya ayaa waxay heleen Gacansaar cusub. Xuseen Caydiid iyo Farataag ayaa ka mid ahaa nimanka dhuunigooda iyo u dhuun dulaalida howlsha Eriteriya u shaqo tagay.
Tixraac
- SNF (Somali National Front} Gedo, Jubbada Dhexe & Jubbada Hoose 1991-1999)
- Soo Ifbixii Al-Itixaad ee Koonfurta Soomaaliya 1991-1998
- Weerarkii ay Xabashida Al-Itixaad ku Gumaaday Luuq, Sebtember 1996
- Dagaalkii Nus Dariisaqa 1997
- Dagaalkii Dhaso iyo Nus Dariiq1997
- Dagaalkii Buurdhuubo 1997
- Heshiiskii SNF iyo Al-Itixaad, Ceel Cadde 1998
- Dagaaalkii Ahliga ee Gedo 1998-2004
Baardheere iyo Qalalaasihii SNF
Qalalaasihii Maamulka SNF iyo Maamulka Degmada Baardheere
Balad Xaawo wixii ka dhacay waxay horudhac u aheyd arimo foolxun oo Garbaahaarreey iyo Baaardheere ka dhacay. Balad Xaawo si nasiibdaro ah ayay u kala jabeen garbihii markii markii horaba isku hayay hogaanka SNF. Dhacdadii Balad Xaawo ee fadeexada noqtey ka dib, dhanka Garbahaarreey ayuu u dhaqaajiyey Jeneralaka oo dabkii koowaad oogay. Wax soo dhaweyn ah kama uusan helin reer Garbahaarreey oo iyaguna gaarkooda ula yaabanaa sheekada masraxa ka socota. Hadii uu soo dhaweyn waayey, Jeneraalka dhanka Baardheere ayuu u sii tilaabay.
Baardheere oo iska degan, dowlad aan saas u buurneyn u dhisantahay ayuu u yimid. Wuxuu ku dhaqaaqay inuu khilaaf ka unkamo. Wuxuu bulshadii isku yeeray goobtii Shiirkole. Maadaama uu ahaa qofka ugu sareeya taliska SNF, wuxuuna magacaabay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen isaga oo buul ka dhigay gudoomiyihii iyo kuxigeenkiisii horey u jirey.
Reer Baardheere oo ah dad isk xoogsado oo beerahooda fasha kana dhega xirnaa dhacdooyinka waqooyiga gobolka ayaa garan waayey waxay ka yeelaan arinta hogaankii SNF ay la yimaadeen.
Sidan ayey ahaayeen gudoomiye iyo ku xigeenkiisii; Xasan Ugaas Gudoomiye, Maxamed Cabdi Dhurwaa, halka uu Cumar Xaaji magacaabay Maxamed Aw Siraad Gudoomiye, Dhub Iswaal.
Halkaas kuma uusan istaagin Cumar Xaaji ee wuxuu yiri Gudoomiyaha ururka Haweenka waxaan u magacaabay Saxarla Shide Maxamuud Dhoore iyada oo ay jagadaas haysay Nasro Cabdulaahi Xasan Nuur.
Dadkii goobta joogay isxabadeyn iyo qalqal ayey ayey kala kulmeen goobtaas. Dadkii wax garadka ahaa iyo ragii kale ee xubnaha sar sare ka ahaa SNF sida Cabdirisaaq Isaaq Biixi waxay yiraahdeen maalintaas Cumar awood uma laha falkaan uu maanta ku dhaqaaay. Waa baaskii labaad ee Cumar Xaaji ka dhex abuuray bulshada gobolka Gedo.
Burburkii SNF
Bishii 9aad ee 1996, waa bishii ciidamada Xabishda Gedo cag soo dhigidooda ugu horaysay ilaa 1998 colaado ayaa ka jiray Gobolka Gedo. Dhibka dheef ayaa ka horeeyay oo waxaa ka sii horeeyay xili nabad iyo barwaaqo oo uu gobolka soo maray waayihii wadanka intiisa kale gaajo iyo cagobararka loo li'anayay. Gurmadkii Qaramada Midoobay ayaa xigay. Waayaha nabada iyo barwaaqada Gedo waxaa muxaadaradiisa wanaaga Gedo ku darsday Sheekhu Soomaal, Sheekh Shariif Cabdinuur.
Dabayaaqadii 1998, Cumar Xaaji oo joogay Doolow oo la jooga taliska ciidamada Itoobiya ayaa u yeeray Dr. Cali Nuur. Waxaa la amray in isku soo bax uu iskugu yeero dadka Balad Xaawo uguna khudbeeyo inaan wax heshiis ah lala gelin Al-Itixaad; wixii heshiis horey looga wada hadlayne ay dib uga laabteen.
Inta uusan dhameysan hadalkiisii ayaa wuxuu Cumar Xaaji sidoo kale goobtii ku dhawaaqay inuu Dr. Nuur ka qaaday jegadii ku-xigeenka SNF, uuna u dhiibay Ciise Ugaas.
Falalkan iyo arimo kale sida in ururka in waxgaradka Gedo ay ka maqnaayeen. Matalaad la'aanta Reer Gedo isaga oo gobolka uu magangelyo siiyay nus milyan barakacayaal ah oo Reer Galgaduud, Reer Banaadir, Reer Hiiraan iyo gobolo kaleba ay ku jireen, ayaa waayihii dambe laga soo bilaabo xoogaysigii Al Itixaad ilaa hanashadii maamulka Jubbada Hoose loogu abaal guday Gedo iyo Reer Gedo in dagaal un la dhex dhigo.
Intii Gedo timid oo dhan dhib ayay la damceen; Al Itixaad, Cumar Xaaji, Barre Hiiraale, Xasan Daahir Aweys iyo kuwo kale.
Gobolka Gedo arxan kama helin cid walba oo dhexdeeda jago laga siiyay ama ciidan iyo garab ka helay xitaa Barre Hiiraale oo ay Reer Gedo mas'uul ka ahaayeen cududa gacanta ku dhigtay Jubba Hoose.

Inta uusan dhameysan hadalkiisii ayaa wuxuu Cumar Xaaji sidoo kale goobtii ku dhawaaqay inuu Dr. Nuur ka qaaday jegadii kuxigeenka SNF, uuna u dhiibay Ciise Ugaas!
Sanadkii 1999 ayaa bilowday. Maalintii xigtey markii Dr. Cali Nuur uu yiri, “Waan ka laabanay heshiiskii Al-Itixaad.” Jeneral Cumar Xaaji Maxamed, waxaa uu ula jeeday ilaa hada lala amakaagsanayahay, wuxuu yiri, “Wax alle waxaan ku heshiinay Al-Itixaad waa noo go’aan waana la heshiinay oo nabad ayaan kula heshiinay.” Hadii Al-Itixaad ay soo dirsadaan wiilal yar yar waan la hadlaynaa.”
Dilkii Dr. Cali Nuur
Reer Gedo oo aan dagaal ceel iyo qolo qolo lagu aqoon aya waxaa bilowday dagaaal reer Gedo dhexdooda ah kaas oo ka dhashay dilkii Dr. Cali Nuur ka dib markii dilkiisa si loo macneeyo la waayay. Maamulkii SNF gudigiisa sar sare oo Reer Gedo ay ka maqnaayeen ayaa sababtay in si waafi ah loo sharixi waayo dilka Dr. Cali Nuur iyo guud ahaan wejiga cusub ee iska hor imaadyada iyo khilaafka siyaasadeed ee markaas gobolka ka taagnaa. Jifadii uu ka dhashaay Dr. Cali Nuur ayaa gaar isu taagtay.
Waxaa xigay in Luuq, Garbahaarreey iyo Buurdhbuubo nabad lagu wada joogi waayey. Lix sano, laga soo bilaabo 1998 ilaa 2004 ayaa meelo badan oo gobolka Gedo ka tirsan la isu mari waayey. Qax iyo barakac gudaha gobolka ah ayaa dhacay.
Mudo dheer ka dib ayaa fadhi laga yeeshay arintaas oo caasimada Garbahaaarreey ee gobolka ayaa sadex bilood laga wada xaajooday dhibka yaal Gedo. Gobolka Gedo oo bulshadeeda ay wada galeen la dagaalankii gaalo madow boqol sano ka hor, ayaa waxaa la dhex keenay colaadii gobolada dhexe ee wadanka lagu yaqiinaay. Dagaal joogta ah oo qoys qoys la isku gumaado.
Fadhigii Garbahaarreey waa uu mirro dhalay. Heshiis caam ah ayaa la gaaray ilaa la helay nabad waarta oo todobada degmo ee gobolka si nabad ah lagu waada noolaado noloshii iyo ganacsigiine uu caadi ku soo laabtay. Laguna heshiiyay iyo dowlad gobol la dhiso iyada oo degmooyinka 32 xubno gudi golle dhexe oo gobol laga soo dooranayo.
Meeshii lagu gaaray hortaantii 2005, gobolka Gedo nabad buuxda iyo nasri Ilaah ayuu helay dadkuna way u riyaaqeen isbdalkaas cusub. Burburkii SNF dan ayaa ugu jirtay Gedo.

Nabada iyo Nolosha Gobolka Gedo
Nolosha iyo Nabada Looga Tuntay Bulshada Gobolka Gedo
Sida la wada ogsoonyahay waxaa gobolka Gedo soo martey labo sano; waa inta badneyd labadii sano 1994 iyo 1995 oo nabad iyo barwaaqo ah. Dhanka adeegyaada bulshada waxaa sare u kacay waxbarashada tiiba Carabiga iyo diinta oo aad loo bartey, gaar ahaan degmooyinka Garbahaarreey, Luuq iyo Balad Xaawo. Soomaaliya inteeda kale waxay laa daalaaa dhaceysay dagaalo, amaaanxumo guud iyo gaajo.
Koritaan dhaqaale iyo waxbarasho diin iyo maadi leh ayuu ku taagnaa gobolka Gedo. Warbixinadii sanadadaas laga diyaariyey gobolka Gedo ilaa taariikhda maanta waa mid laga sheekeeyo.
Heshiiskii Ceel Cadde ee SNF iyo Al-Itixaad
Shirkii Heshiiskii Ceel Cadde Ee SNF iyo Al-Itixaad 1998
Heshiiskan oo mudo ka socday tuulada Ceel Cadde ee degmada Garbahaarreey ayaa SNF waxaa ay Al-Itixaad kula heshiiyeen in dagaalka ka socda gobolka laa joojiyo gebi ahaanba. Mudo 3 bilood ah ayuu shirkaan socday iyada oo bulshada Gedo ay shirka ugu deeqday in ka badan 50 neef oo geel ah, tiro lo’a ah iyo ari tiro badan. Kharashka kale ee ku baxay wuxuu ahaaa mid dad yar ogaayeen qiyaaastiisun aheyd $50,000.00 US.
Waxaa ay Al-Itixaad ku gacan sareeyeen goobaha dagaalada sida Ceel Waaq, Buurdhuubo, Faafaxdhuun, Tuulo Barwaaqo, Caracase, halka SNF ay ka talinayeen Degmooyinka Belad Xaawo, Baardheere, Luuq iyo Doolow.
Waxaa ay ergadii SNF ku hanweynayeen guul iyagoo doonayey iney ku daraan qodobada heshiiska in Al-Itixaad ay soo wareejiyaan hubka. Ceel Waaq ayey aheyd meeshii Al-Itixaad looga qabsaday ilaa 13 tekniko iyo gawaari dagaal. Waxaa sidoo kale laga qabsaday SNF noocyo badan oo hub ah sida Qabaalo, Suu, BKT, Baroomo dhulka yaalay oo aan gaadiid saarneyn markaas iyo B10.
Heshiiskan, oo runtii markii hore googol wada hadal un ku bilowday, waxaa joogay Ugaas Cumar iyo Yuusuf Garre, waxaa SNF uga qeyb galay Dr. Cali Nuur, Cabdirisaaq Isaaq Biixi halka Al-Itixaad ay matalayeen Xuseen Guuleed Aadan Deer iyo Barre Qooje.
Heshiiska hal qodob unbaa muhiim ahaa, kaas oo ahaa in nabad lagu dabaalo gobolka Gedo. Waxaa ilaa horaantii sanadadii 1990yadii lagu waday hadii nabadii bilaabaatey 1993 ay waarto, in Gedo looga yimaado meel walba oo ka mid ah Soomaaliya.
Dagaalkii Buurdhuubo Al-Itixaad iyo SNF
Dagaalkii Buurdhuubo
Waxaa magaalada Buurdhuubo oo sanadadii horaantii 1990yadii aheyd saldhiga SNF iyo guud ahaan dadkii Muqdisho ka soo qaxay, ha ahaadeen dad ka soo jeeday gobolka Gedo ama gobolada kale ee wadanka, waxaa ka dhacay gumaad aad u daran oo lagu hoobtey.
Ciidamadii Al-Itiixaad ee lagu soo jebiyey degmooyinka waqooyi ee gobolka Gedo, gaar ahaan Luuq iyo Balad Xaawo ayaa u soo hayaamay bartamaha gobolka iyagaa oo fariisin ka dhigtey Buurdhuubo.
Dagaal maalmo socday ayaa ka dhacay sanadkii 1997 dhimasho badana way timid labada dhinac. Dhanka Al Itixaad ayaa aad u darnaa.
Dagaalkii Tuulada Dhaso ee Bartamaha Gedo
Dagaaladii Dhaso iyo Nus Dariiqa
Labo dhacdo oo waxaa jirey dagaalo ba’an oo ka dhacey labada goobood ee lagu kala magacaabo Dhaso oo ah Tuulo Gen.
Ciidan SNF oo la yiraah 24aad waxaa dagaal kaga horyimid Al-Itixaad tuulad a Dhaso waxayna ku taal meel u dhexaysaa Ceel Waaq iyo Ceel Cadde. Isla dhaqdhaqaaqaa ciidankan ayaa ciidamo ka yimid fadhiisinkii SNF ee Balad Xaawo ayaa waxaa ay Al-Itixaad u galeen meel dhexe oo wadada Garbahaaarreey iyo Balad Xaawo dhacda.
Ciidamadii SNF dib ayey isku abaaabuleen markay deyrtii soo af jarantey. Waxay ciidamadii SNF fariisimo ka samaysatey Garbahaarreey, Ceel Waaq, Balad Xaawo, Faafaxdhuun iyo Tuulo Barwaaaqo.
Nus Dariiqa oo ah bartilmaameed magacbaxday xili ka mid ah xiliyadii ay dhacayeen dagaaladii ugu xooga badnaa ee dhex maray SNF iyo Al-Itaxaad. Dagaalka Nus Dariiqa wuxuu ka dhacay goob dhacda bartamaha Ceel Waaq iyo Balad Xaawo wuxuuna dhacay
Derytii Biyo Badan gudaheeda. Ciidanka SNF xubin la yiraah 66aad iyo xoogaga Al-Itixaad ayuu dhex maray hardankaan.
Dagaaalkaan waxaa loogu magac daray Daagaalkii Nus Dariiqa. Waxaa dagaalkan gaadmada ah lagu qiyaasaa dagaalkii ugu darnaa dagaaladii loogu magac darey Dagaalkii Buuraha.
Dhaawacii Nus Dariiqa waxaa ay ciidamadii SNF ku go’doomeen goobtii dagaaalka ku qabsaday deyrta gudaheedii. Ilaa ay deyrtii ka dhamaatey mudo 60 maaalmood ka dib ayaa dhankaas iyo Balad Xaawo loogu daabulay lug iyo dameero.
Dhaawicii hore waxaa saa’iday dhaawac cusub oo ka yimid ciidankii SNF ee gargaarka oo soo noqodkii jidka loo galay. Iska hor imaadkas oo ka dhacay Mataan Arbaa ayaa waxaa ku dhintey Cabdi Cigaala, Dhoome iyo rag kale oo SNF xilal sar sare kaa hayay.
Weerarkii Xabashida ee Degmada Luuq
Barbixii 1996: Weerarkii Xabashida ee Luuq
Bishii Agoosto 9keedii, sanadkii 1996 ayey Ciidamada Xooga Itoobiyaanka soo weerareen Luuq iyo Balad Xaawo iyagoo ka soo tilaabay xadka degmada Doolow halkaas oo ciidamo badan oo Al-Itixaad lagu dilay.
Inta badan waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 100 qof oo xeryaha militari iyo saldhigyada Al-Itixaad lagu dilay mar ay ciidamada Xabashida weerar arooryaad ay ku soo qaadeen fadhiisinada Al-Itixaad ee degmooyinkaas, gaar ahaan Luuq. Waa maalintii koowaad ee ugu horaysay dagaalkii bilowday Agoosto 9aadkeedii 1996. Isla galabnimadiina way ka shareecdeen oo saldhigyadoodii ayey dib ugu laabteen iyaga oo xaduuda dhanka magaalada Doolow ka talaabay xadka. Maalmo ka dib geerida kor way u dhaaftay 300 oo qof shacab iyo ciidan Al Itixaad.
Deyrtii Biyo Badan ee Oktoobar ilaa dagaalkii labaad oo dhacay Disember 6, 1997, wax yar ka hor bishii 2aad 1997, xoogaga Al-Itaxaad waxay bilaabeen taatiko ah iney banaanada Daawo iyo Buuraha Gowraar ee gaalbeedka Degmada Baardheere galaan ugaarsi buuraha ahna ku laayaan cidii ay SNF ku tuhunto.
Cumar Xaaji Masale maalintii uu Mandheeraa iska dhiibay waxayd ahayd dagaalkii ugu dambeeyay ee Al-Itxaad iyo SNF oo Xabashi ay dabada ka riixayso iskaga horyimaadeen Degmooyinka Doolow, Balad Xaawo iyo Luuq. Waqooyiga Gobolka Gedo howlihii waxbarasho iyo adeegyadii kale oo dhan way istaageen sanadkaas ilaa sanadkii 1998 uu soo dhaweeyay dagaalo kale iyo nacayb ka dhex abuurma bulshada Gedo.

SNF iyo Itoobiyaan ayaa bishii 2aad 1997 weeraro ku soo qaaday iyaga oo ka soo gacodhigtey magaalooyinka Balad Xaawo iyo Luuq. Markii ay xoogaga Al-Itixaad firxad noqdeen oo hayaameen dhanka Buuraha Diirharo ee u dhexeeya sadexda dagmo ee kala ah Garbahaarreey , Ceelwaaq iyo Balad Xaawo.
Jeneraal Cumar Xaaji Masale ayaa mar walba u hadlayay SNF marka ay BBC iyo laamaha kale ee idaacadaha sida kuwa Carabta arinta dagaalada Gedo warka ku soo qaataan. Kornayl Cabdirisaaq Isaaq Biixi iyo ragii kale ee SNF kuma fara dhuudhuubnayn arimaha xoojinta colaada dhan walba; saxaafada, afkaar abuur shacabka dhexdiisa ah iyo xogsiin wadamada dariska iwm. Jeneraal Gaani iyo ragii kale ee SNF mar hore ayay dibadaha aadeen mar hadii UN ka tagtay Gedo sanadkii 1995 Maxamed Siyaad Barre Alle oofsaday.
Iska hor imaadkan dambe ee xoogan sida kii Agoosto 1996 waxaa uu dhexmaray xoogaga Al-Itaxaad iyo ururuka SNF oo markaas taageeradii shacabka wiiqmay maadaama shacabka Reer Gedo marnaba aysan dagaal diyaar u aheyn in Xabashi Gobolka Gedo timaadana aysan marnaba raali ka ahayn. Waxaa loo sii kala baxay hogaanka oo Reer Gedo aan u badnayn iyo howlaha bulshada waxbarashada oo Al Itixaad wadeen oo nacfi yeeshay.
Ururka Al Itixaad wuxuu marba marka ka dambaysa u muuqday mid dan kale leh taas oo laga soo agaasimay cari kale. Reer Gedo oo dhaqan u leh inay soo dhaweeyaan wax ala wixii diin sheeqta. Waxaa ururka ku soo dhex dhuuntay oo runtii inta badan majaraha u hayay dad iyagu qabiil dilooday oo damacsanaa in Reer Gedo wacdaro ku dhacaan iyada oo dagaal joogta ah laga hurinayo cariga isla markaana yoolka wayn uu ahaa in Amxaaro mar un lagu soo hogaamiyo Mareexaan.
Bulshada Gedo in badan oo ka mid ah ayaa u aragtay sidaa maxaa yeelay dagaal jihaad meel kale kama jirin, maxaa marka Gedo un ka dhigay? Wadaadada doonta waday ee aan Mareexaan ahayn laftigooda hadalkooda maalin walba waxaa laga akhrisanayay nacayb Mareexaan. Muslim qalbi fayowna cuqdad iyo nacayb waa ka saafi qalbigiisa.
Ujeedada waxay ahayd maadaama awooda qabiil ee Mareexaan ay Muqdisho iyo Kismaayo ku wiiqmi wayday sida la filanayay, waa in si un wax loogu dhimaa xirfad iyo xeelad kale mar diin loogu gabado. Waa afkaarta in badan oo bulshada reer Gedo ka mid ahi qabaan iyaga oo u joogay dhamaan dhacdooyinkii dhacay ee ay Al Itixaad horseedka u ahaayeen.
Dagaalada markaysan jirin, nabad iyo nolol barwaaqo ah ayay reer Gedo ku noolaayeen balse cadowgooda gudaha ayaanan u ogaalaanin in xaaladaas lagu sii waaro. Rag da' walba leh iyo dhalinyaro boqolaal gaaraysa ayaa ku naf wayday dagaaladaas qar iska tuurka ah ee ay Al Itaxaad u horseedeen shacabka Gobolka Gedo.
Diinta waxay qabtaa in nafta la maareeyo oo aan si sahal ah loogu tuman. Waa tii Nabigu NNK ha ahatee, markuu maqlay in nin asxaabi ahi biyo qabow inta uu ku qubaystay nafwaayey iyada oo la yiri asxaabta ayaa qaar kula taliyay asxaabiga uu Nebigu NNK ha ahaatee yiri, "Way dileene Allaha dilo."
Dagaal diineed Soomaailya xili abaaro, maamul la'aan ummada dhexdeed a ah, aysan jirina cudud ciidan iyo madax daacad ah, suurtogal kama ahan cidii iclaamisana waa jeebkeeda. Gedo wixii ka dhacayna Gef waxaan ahayna laguma tilmaami karo.
Ragii hoyraalka u ahaa Al Itixaad waxaa gobolka ku nagaaday labadii nin ee ugu sarsaraysay, gaar ahaan Sheekh Macalin Maxamuud Macalin Nuur oo dadka oo dhan ay jeclaayeen. Ragii xoogaa lahaa maamulkana meelo muhiim ah kaga jiray oo dhan Mandheeraa ayay isku shubeen dagaalkii 1997 ka dib. Maalkii iyo ganacsigii ay shirkooyinka ku noqdeen ayaa dacwooyin ka dilaacday ilaa qaarkooda ay Nairobi iskaga daba tageen. Sidaasna lagu ogaaday inay intooda badan Gedo u joogeen tacab maal iyo arimo qabiil marnabana aysan jihaad diyaar u ahayn.

Gefafkii Al-Itxaad ee Gobolka Gedo
Gafafkii Taariikhiga Noqday Ee Al-Itixaad
Bilowgii, Xisbiga Al-Itaxaaad oo Soomaali oo dhan ay soo dhaweysay aayaa xarun xoog leh ku yeeshay gobolkaa Gedo. Adeegyo badan oo bulshada nacfi u yeeshay iyo amaan ayaa laga dhaxlay Al-Itxaad. Ha yeeshee markii dambe way isla ekaaadeen dhibka iyo nacfiga laga helayey Al-Itixaad, ha ahaatee mararka qaar dhan ayuu u batay ayaa la oran karay.
Xisbigii Al-Itixaad wuxuu isku rogay mid huwan arimo qabiil kuna dhaqmo eex badan. Madaxdiisa sar sare oo ay ka mid ahaayeen Daahir Aweys ayaa ka raali ahaa in dhib haduu dhaco, dhibkaasna uusan ku dhicin xigtadiisa inay arinta hagaag tahay.
Dhacdooyinkii xad gudubka ee Al-Itixaad ay gaysteen waxaa ka mid ahaa bishii Oktoobar dilkii ay u geysteen weriyihii caanka ahaa Maxamed Carab Falax Falax iyo Sheekh Maxamed. Dil toogasho ah oo foolxun ayay u geasteen Falax Falax.
Dilkii Weriye Falax Falax iyo Sheekh Maxamed waxaa xigay dilkii labo nin oo Gedo caan ka ahaa, Cabdiwahaab iyo Injineer Bile Shuuke. Labadaas nin waxay ahaayeen labo nin oo iyaguna aad looga xumaaday dilkooda oo Al-Itixaad ay lahaayeen eedaas. Waxaa Cabdiwahab lagu dilay aaga u dhexeeya Tuulo Barwaaqo iyo Caracase. Halka Injineer Bille Shuuke lagu dilay meel u dhexeysa tuulooyinka Buusaar iyo Faafaxdhuun oo ka kala tirsan degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere.
Sida la aaminsanyahay, Cabdiwahaab iyo Bille waxay ahaayeen shaqsiyaad ka madax banaanaaa wax fal militari ah ama taageero SNF. Al Itixaad gacansaar inay nimankaas SNF la lahaayeen ayay darteed ayay u dileen. Xog la hubose ma aheyn arintaas kolkii dib loo imtixaamay arinta.
SNF, Al-Itixaad iyo Heshiiskii Hasaawe
Xurguftii SNF iyo Al Itixaad iyo Heshiiskii Hawaase Ee 1996
Kolkii SNF ay wayday muruq ay ku maquuniso Al-Itixaad ayay hogaanka SNF doorbideen adeegsida cudud Xabashi. Meelihii ay bulshada ku dayrisay SNF ayay arintaan ka mid noqotey.
Waxaa uu heshiis dhex maray dowlada Itoobiya iyo xoogageeda militeri iyo dhowr nin oo iyagu markaas sheegtay iney matalayeen maamulka Gedo iyo SNF oo ahaa garab militari oo Sade. Nimankan magac ahaan waxaa ay kala ahaayeen:
- Xasan Cabdi Xiireey (XasanDeer)
- Ciise Ugaas Cabdulle
- Jeneraal Cumar Xaaji Maxamed, Hogaamiyaha SNF
- Xaaji Yuusuf, Gudoomiye Degmada Balad Xaawo
- Korneyl Cabdirisaaq Isaaq Biixi, Xubin SNF
- Dr. Cali Nuur, Hogaanka Laanta Siyaasada SNF
Heshiiska Hawaase wuxuu tibaaxayay in ciidamada xooga ee wadanka Itoobiya ay soo geli karaan gudaha gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Doolow, Luuq iyo Balad Xaawo. Arintaan markii ugu horeysay way dhabowday. Waxaa ay Itoobiyaanka hubeeyeen ilaa 470 nin kuwaas oo hub qafiif ah ay ku hubeeyeen.
Jeneraal Cumar Xaaji oo la waraystey ayaa yiri, “Xaq ayey u leeyihiin iney ciidamada Itoobiya soo galaan maadaama Al-Itixaad ay yihiin kuwa iyaga dhibaya.”
Dabayaaqadii 1996 ilaa 1997, falal aad u fool xun oo Al-Itaxaad ay geysteen iyo dhib badan oo noocyo badan leh sida dagaalo Sade dhexdiisa ah iyo roobab ayaa saameeyay noloshada bulshada gobolka Gedo. Roobkii Deyrtii Biyo Badan ayaa ka dhacday koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubooyinka. Roobkaas wuxuu da’ay si aan kala go’ laheyn bilihii Oktoobar ilaa iyo Nofeembar.
Sanadadii Barwaaqada iyo Nabada ee Gobolka Gedo
1992-1996: Sanadadii Barwaaqada iyo Nabada ee Gobolka Gedo
Gobolka Gedo waxaa soo maray sanado lagu xuso wanaag, barwaaqo iyo reynreyn. Iyada oo inta badan gobolada Soomaaliya dhib badan oo noocyo badan iskugu jira ayaa waxaaa shacabka Gedo uu ku noolaa barwaaqo iyo horumar dhinacyo badan lahaa. Sadexda degmo ee Luuq, Garbahaarreey iyo Balad Xaawo waxaa horaan sanadkii 1992 gacanta ku dhigay ururkii Al-Itixaad. Degmooyinka Koonfureed ee Baardheere iyo Buurdhuubo xaaladooda way ay deganayd ilaa 1996.
Dadkaa reer Gedo waxay dareemaan wanaag markay milicsadaan sanadadii 1992 ilaa sanadkii 1996 ka hor inteysan Xabashida soo weerarin magaalada Luuq. Da’ yarta sadexdan degmo waxaa ay aroor walba u kalihi jireen madarasooyin diini ah iyo dugsi maadiga lagu barto oo xaafad walbaa ka furnaa. Manhaj aad loo soo agaasimay oo halbeeg lahaa ayaaa la bari jirey kumanaan kun oo ardaay oo reer Gedo ah.
Dhanka amaanka degmooyinka waqooyi ee Gobolka Gedo waxay ahaayeen meel maamul la isku haleyn karo uu ka jirey. Dhacdooyin taas tusaaale u ah waxaa k mid ahaa in gaadiidka oo Soomaaaliya inteeda kale aad la iskaga dhici jirey waxay arimahaas Gedo ka ahaayeen arin lagu diimo degmooyinka badankii. Tusaale, celintii gawaaridii laga soo dhacay Mandheeraa oo la keenay Garbahaarreey iyo Baardheere. Inta jeer ee gawaari Mandheera laga soo dhacay oo Balad Xaawo lala soo galay ka dib Al-Itixaad ay dib u celiyeen lama soo koobi karo.
Gawaaridan inta badan hay’ado ayaa lahaa. Mar ay dhacday 1993 in gaari shaqsi reer Mandheeraa ah uu lahaa oo waxaa jirey sanad dhanka Gedo lala soo galay oo ilaa Baardheere ka dib 1994 ayay suurgto gashay in dib loogu celiyo mulkiilihii lahaa gaarigaas. Sidoo kale waxaa jirtay dabayaadii 1995 in booyad hay’adaha UN-ka ay la haayeen niman dhaceen ka dibna dhanka Balad Xaawo la aadeen. Waxaa isku day soo celin isku dayey Al-Itixaad. Nimaankii burcadka ahaa waxay dagaal la galeen nimankii ugu yimid iney kala wareegaan booyada ka dibna dib ugu celiyaan Baardheere.
Dagaal is rasaaseyn ah ka dib nin ayaa lagu dilay. Arinta oo weji qabiil yeelatey darteed ayey Al-Itixaad aqbaleen dhexdhexaadin qabiil. Sidaas ayaa nimankii burcadka ahaa intoodii badbaaday loo ogolaaday iney haystaan booyada maadaama haya’adihii ku adeegi jirey ay sanadka dhamaadkiisi ka guureen Baardheere.
Hogaaankii Al-Itxaad ee uu Mas’uulka ka ahaaa Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf
Shacabka gobolka Gedo oo door biday inay helaan wax un maamul ah mar haadii la waayey dowlad qaran, ayaa waxay soo dhaweeyeen oo u dhego nuglaadeen maamulkii Al-Itixaad ee ka bilwday waqooyiga gobolka Gedo ee degmooyinka Balad Xaawo iyo Luuq.
Waxaa taliskaa Itixaad ee Gedo hayey Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf. Sanadkii 1993 ayey Al-Itixaad si rasmi aah ulaa wareegeen Balad Xaawo waxayna horey sanadkii 1992 qabsadeen Degmada Luuq iyo adeegyadii dowlada sida amaanka, maxkamadaha, waxbarashada iwm. Ku Xigeenka Sh. Maxamed wuxuu ahaa Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur. Macalin Maxamuud xilyadii kala guurka Gobolka Gedo wuxuu ahaa nin reer Gedo ay aad u jeclaayeen.
Xisbiga uu Sheekha u adeegayay ee Al Itixaad, bulshada qaarbaa lur side u arkayay halka kuwo kale oo badana ay adeegyadiisa ka faa’iidaysanayeen dhanka amniga iyo waxbarashada. Ururka Al Itixaad dagaal ooge ayuu ahaa ummad Muslim ahna dhan xabada kaga babinayay. Mar walba dhibka shacabka ayuu u badnaa maadama ay furin ka dhigteen gobolka gudihiisa sida magaalooyinka Luuq iyo Balad Xaawo meel kale ee markaas furin ahaydna ma jirin. Dadbaa runtii mar walba aaiminsan ama ilaa Maalinta Qiyaamaha qaba in qabiil dartiis saldhigyadaas loo sameeyay si dadka Gedo degan oo ka soo jeedo loo gumaado Xabashina loogu soo hogaamiyo.
Manhajka ka khaldanaa Al Itixaad ee ay Reer Gedo fahmi waayeen kaas ayuu ahaa nimanka SNF sidaas ayay aaminsanayeen laakiin hab gudbin wacyigaas ama kaftaartaas ma aysan alifin oo kama dhaadhicin bulshada Reer Gedo. Markii dambana dagaalo badan oo lagu hoobtay ka dib dhalinyaro badan oo Mareexaan ama Reer Gedo ah ku naf waayeen, sida caadada u ah Soomaalida qabiil ayaa lagu kala tagay oo cid walba way ka danaysatay adeegii diinta ee ay sheeganayeen madaxda u sarsaraysay xisbigaas intaan ka ahayn Sheekh Macalin Maxmuud Macalin Nuur oo adeega diintu dhab ka ahayd.
Sheekh Macalin Maxamuud cid walba ayaa jeclayd; dhalinyarada, odayaasha, taariikhyahanada gobolka iyo cid ala ciduu qaabilo xitaa cadowgiisa. Xogaanka Sare laakiin mucaaradkaa taliska Al-Itixaad waxaa ay ugu naanaasi jireen Baasabuur. Sheekh Maxamed waxaa in badan la isku raacay in hadaladiisa ay ahaayeen kuwo mar walba; hadalo qalafsan oo mar walba ka fogaa samo ka taliska. Ku xigeenka Sheekh Maxamed ayaa dadka reer Gedo isku hayay maadaama uu ka hadal jilicsanaa Sh. Maxamed.
Askunkii Ururka SNF ee Gedo
Ururka SNF ama Somali National Front (SNF) wuxuu uskunmay mudo gaaban ka dib markii dowladii dhexe ee qaranka Soomaaliya ay maleeshiyaad hubeysan isku kaashadeen af gambi qaran iyaga oo aan wadanka talo u hayn. Ka dibna ay ka baxeen caasimadii Muqdisho dhamaan dadkii adeegyada kala duwan u hayay shacabka, madaxweynihiina uu Gedo u soo qaxay ilaa dhamaan wakaaladihii iyo hay’adihii dowlada ay burburaan ugu dambayntiina madaxdii wadanka u haayaameen meelo kala duwan dalka iyo dibadaba.
SNF waxaa abaabulay saraakiil ku heybtirsada beesha Sade iyo taageerayaasheeda. Waxaa hogaanka garabka militari ee SNF qabtey Jeneraal Cumar Xaaji Maxamed, waxaana ku xigeen ahaa Maxamuud Khaliif Shire Mataan. Garabka siyaasadeed ee SNF waxaa loo dhiibay Dr. Cali Nuur oo taqasuskiisu ahaa culuunta beeraha.
Mudo shan sano ah ayuu maamulka iyo talada SNF wax xarakaat ah uusan yeelan ilaa markii ururka Al-Itaxaad oo nasteexo diin sheeganayay inuu ka waday gobolka Gedo laakiin markii dambe la isku raacay in shaqsiyaadka talada guud hayey ay arin dadban u adeegsanayeen dhalinyaro aan weli waa badan u baryin wacyiga wadankane aan wax badan ka ogeyn.
Waxaa dhamaadkii sanadkii 1996 bishii 8aad dagaal culus dhex maray ciidamada Itoobiya iyo Al-Itaxaad oo gebi ahaan talada iyo maamulka kala wareegay dowladihii degmooyinka gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Buurdhuubo iyo ilaa iyo xad degmada Balad Xaawo. Qeybtii dambe ee 1990yadii Balad Xaawo waxay noqotey saldhigaa taaliska iyo Saadka ururka SNF oo in badan oo shacabkaa reer Gedo taageero ka haystey.
Bilowgii Dagaaladii Wejiyada Badnaa ee Gobolka Gedo
Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ee bilowdy sanadkii 1991 hagardaamooyin waaweyn ayaa ka soo gaaray bulshada reer Gedo. Waxaa gobolka Gedo ka dhacay dagaalo leh dhowr weji. Waxay dagaaladan kala ahaayeen: Dagaalkii 1aad ee USC, Dagaalkii Qarsoonaa ee Raxweyn ee Hiilada USC, Dagaalkii USC ee Koonfurt Gedo iyo dagaalkii Ahliga ee gobolka 1998-2004.
Waxaa nasiib wanaag noqotey in dhowr jeer gobolka Gedo nolosha ka jirtey iyo nabada shacabka reer Gedo ay ku noolaayeen ay noqtay mid gobolada kale ay yiraahdaan “Allow yaa mar Gedo oo kale naga dhiga.”
Shariif Cabdinuur ayaa Muxaadaro uu jeediyey mar ku soo qaatay nabada bulshada Gedo iyo guud ahaan nolosha Gedo ay tahay mid Soomaaliya oo idil ay u baahantahay. Dhanka dhaqdhaqaaga ganacsiga, hay’ad Iswiidish ah oo baaris noocyo badan ka sameysay Soomaaliya waayihii 1990yadii ayaa sheegtay dhanka ganacsiga in ganacsatada Gedo ka macaash fiicanyihiin tusaale, kuwa ka ganacsada Hargeysa oo markaas xasilooni keligeed gaar u sheeganaysay.
Wax walba oo wanaag ah oo u hirgalay reer Gedo mudadii 1991 ilaa 1995, waxaa la ilaawaan ka dhigay burburkii iyo barakicii ay gaysteen qolooyinkii ku hardamay gobolka oo ay kow ka ahaayeen SNF iyo Al-Itixaad. Tuducyada soo socda ayaan ku dulmarnay mid walba iyo doorkii ay ururadan ka qaateen marxaladihii uu soo maray gobolka Gedo.
Tixraac
1.SNF (Somali National Front} Gedo, Jubbada Dhexe & Jubbada Hoose 1991-1999)
2.Soo Ifbixii Al-Itixaad ee Koonfurta Soomaaliya 1991-1998
3.Weerarkii ay Xabashida Al-Itixaad ku Gumaaday Luuq, Sebtember 1996
4.Dagaalkii Nus Dariisaqa 1997
5.Dagaalkii Dhaso iyo Nus Dariiq1997
6.Dagaalkii Buurdhuubo 1997
7.Heshiiskii SNF iyo Al-Itixaad, Ceel Cadde 1998
8.Dagaaalkii Ahliga ee Gedo 1998-2004
Marxaladihii Gobolka Gedo iyo Wejiyada Dagaaladii 1991-2004
Arar
Dhibaatooyin farabadan oo garashada maskaxda fayow ka yaabiyey ayaa ku habsaday wadanka Soomaaliya laga soo bilaabo markii la dumiyey dowladii dhexe ee Soomaaliya bilowgii sanadkii 1991. Waxaa inta badan la aaminsanyahay cid walba oo nidaamka dowliga ah wax ku haysatey, dhaqaale ama jago ayaa horseed ka ahaaa abuurayna asbaabihii dowladii ay ku burburtey, burburkaas oo ummada Soomaaliyeed dib ugu celisay casri jaahiligii laga soo gudbay kal hore.
Dad badan oo maangaab ah oo nolol iyo darajo aduun Ilaah siiyay sida ganacsato aad loo yaqaan iyo dad badan oo xilal kala duwan u hayay dowlada sida maareeyeyaaal guud, agaasimeyaal, daljireyaal, wasiiro, saraakiil sar sare iyo shaqsiyaad la halmaalo ayaa horseed u noqday qar ka dhicii dowladii dhexe ee Soomaaliya. Shacabkii Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan ayaa gumaad iyo halaag aduun ku habsaday. Daafaha aduunkay ka dhaceen dadkii iyagoo qaxootinimo iyo sumcadxumo ku caanbaxay meel walba.
Deegaano badan oo sideed iyo tobanka gobol ee Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay laga soo bilaabo 1988 wax aan horey loo maqlin oo masiibo qaran un lagu tilaami karo.
Qoraalkan waxaan ku taaban doonaa meelaha aafada dagaalada ay si qoto dheer u saameeyeen. Caasimadii Muqdisho iyo deegaanada dhaca dhanka koonfureed ee Soomaaliya ayay si gaar ah u saameeyeen dhibaatooyinkii loo wada joogay ee dilka, dhaca, kufsiga iyo xadgudub walba oo dad sameyn karo. Waxaan qoraalkan si gaar ah ugu hadlaynaa dhacdooyinkii Gobolka Gedo. Gobolka Gedo waa gobol dhul baaxad weyn leh, 42,000km/sq. Waxaa Gedo ku nool dad tirakoobyada qiyaasta ah ay ka dhigeen inta u dhexeysa 600,000 ilaa 1,000,000 oo qof.
Dagaal, geeri, barakac iyo nafaqoxumo ba’an oo badiyaa la mid aheyd ama ka darneyd tii caasimada Soomaaliyaa ee Muqdisho ayaa ka dhacay meelo badan oo wadanka ka mid ah, gaar ahaan gobolada koonfureed. Xamar, oo qaxii ka hor dhowr sano lagu wada joogay Xabadi Keentay (soo qaxayaashii Hargeysa iyo Burco) iyo Xabadi Sugtey oo loola jeedaay kuwii magaca Xabadi Keentay baxshay oo ahaa Reer Muqisho, waxaa ka dambeeyay qax iyo masiibo baahsan.
Gobolka Gedo meelihii dhibka ba’an uu ka dhacay ayey ka mid aheyd. Sanadadii ciidamada caalamiga ay joogeen gobolka 1993-1994 ayey reer Gedo shar iyo dhib khaas ah ka badbaadeen. Amaanka caamka ah ee gobolka Gedo ka jirey, waxbarashada iyo ganacsiga waxaa qoraalo wax ku ool ah ka sameeyay hay’ado iyo shaqiyaad badan.
Nabad, reynreyn iyo barwaaqo ayaa Gedo lagu heystey mudo gaaban ka dib markii Muqdisho looga soo qaxay ciidamadii daroogada ku hubaysnaa ee Jeneral Caydiid. Nabada gobolka Gedowaxay timid markii laga eryay gobolka Gedo iyo degmooyinkiisa oo dhan ciidamadii USC ee qabiiliga ahaa kuwaas oo dadkii Hargeysa iyo Balad Xaawo inta u dhexaysa u kala eryay. Ciidama caalami ah ayaa gobolada Koonfureed intooda badan ka howlgalay 1993-1994.
Sanadadii Nabada, degmooyinka waqooyi ee Gedo sida Luuq iyo Balad Xaawo waxaa laga abaabulay manhaj waxbarasho oo Soomaaliya inteeda kale ay ka tusaale qaadatay.
Nabadii iyo barwaaqadii ma waarin. Markii ay ciidamadii caalamiga ahaa ka baxeen wadanka ayey arintii faraha ka baxday.
Dhacdooyinkii Gedo in badan wax ka badalay iyo xubnihii ka qeyb qaatey sida ururada, iyo shaqsiyaadka ayaan ku soo bandhigaynaa maqaalkan.
Tixraac
1.SNF (Somali National Front} Gedo, Jubbada Dhexe & Jubbada Hoose 1991-1999)
2.Soo Ifbixii Al-Itixaad ee Koonfurta Soomaaliya 1991-1998
3.Weerarkii ay Xabashida Al-Itixaad ku Gumaaday Luuq, Sebtember 1996
4.Dagaalkii Nus Dariisaqa 1997
5.Dagaalkii Dhaso iyo Nus Dariiq1997
6.Dagaalkii Buurdhuubo 1997
7.Heshiiskii SNF iyo Al-Itixaad, Ceel Cadde 1998
8.Dagaaalkii Ahliga ee Gedo 1998-2004
Subscribe to:
Posts (Atom)