Booqasho

Monday, 15 April 2013

Xildhibinaada Dooxada Jubba Waa 32, Nidaamka 4.5 ee 2004-2009


Dowlada ku Meelgaarka ee uu hor kacayo Cabdullaahi Yuusuf wadar ahaan 275 waxaa ku jira xildhibaanada Sade ee ka soo jeeda Gobollada Dooxada Juba ee Gedo, Jubada Dhexe, Jubada Hoose iyo Galgaduud walow 50 sano ka hor xubno deegaano laga soo dooran jiray Hiiraan, Mudug iyo gobolka Banaadir.

Xildhibaanda Sade waxaa wehliyo ugu yaraan 26 kale oo Daarood, gaar ahaan Ogaadeen maadama gobol kale aysan cod ka helin. Maadaama tirsi qabiil oo 4.5 loo bixiyay lagu sad qaatay xubnaha xildhibaanada ilaa dowlad ku meel gaar laga baxayo oo nin cod ay xaalada wadanka noqon doonto.

Labo xildhibaan oo hada Banaadir ama Marka ku sugan oo waxaa jira Carab ama Asharaaf ah kuwaas oo deegaan ahaan reer Dooxada Juba ah, gaar ahaan Kismaayo iyo Baardheere.

Xildhibaanada Sade 4 waxay ka sharaxanyihiin degmooyinka Balanbal iyo Caabudwaaq.

Xildhibinaada guud ahaan ka soo jeeda Dooxada Juba tiro ahaan waa 32 xildhibaan; 14 Gedo, 7 Jubbada Dhexe iyo 11 Jubbada Hoose. Aayatiinka ilaa 54 xildhibaan ayaa ka imaan Dooxada Juba marka loo eego tirada kororka ka imaanaysa ka soo noqoshada Kenya sida Eastleigh, xeryaha qaxootiga iyo qurbaha fog.

1. Xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale), Jubbada Hoose, Kismaayo

2. Xildhibaan Axmed Warsame Maxamed, Gedo, Baardheere

3. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Cabdiqaadir, Galgaduud, Balanbal

4. Xildhibaan Sharma’arke Maxamed Xaashi Gaani, Galgaduud, Caabudwaaq

5. Xildhibaan Xuseen Cadaawe Baadow, Gedo, Luuq

6. Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan, Gedo, Beled Xaawo, Doolow

7. Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Dirir, Gedo, Baardheere

8. Xildhibaan Xasan Cumar Maxamed, Gedo, Beled Xaawo

9. Xildhibaan Nuur Mataan Cabdi, Gedo, Beled Xaawo

10. Xildhibaan Jaamac Guure Qoobey, Galgaduud, Caabudwaaq

11. Xildhibaan Cabdirisaaq Isaaq Biixi, Gedo, Garbahaarreey, Ceel Waaq

12. Xildhibaan Maxamed Max’uud Aadan, Gedo

13. Xildhibaan Xasan Cabdi Xiirey, Gedo, Baardheere

14. Xildhibaan Axmed Maxamed Samatar, Jubba Hoose, Kismaayo

Nidaakma 4.5, beelaha xildhibaanada ka soo sharixi doona aayatiinka waxaa ka mid ah Ogaden 12, Cawramale 3, Macalinwayne (Raxwayen) ama Mirifle 3 , Digil sida Hubeer 4, Sheekhaal 2 waxayna isku noqonayaan 24 kana baxsan 8 xildhibaan ee Sade.

Dalmar Faarax, Kismaayo

Wednesday, 16 March 2011

Sh Xasan Daahir Aweys Ma Wadaad mise Qabiileyste?Taariikh dagaaleedkii Sh Xasan Daahir oo Banaanka La soo dhigay

Faalo: Qodobkan oo lagu daabacay maqaalka la yiraah Hidaha.com, ayaa ka hadlay qaybo ka mid ah waxyaabaha lagu barty Daahir Aweys iyo Siyaasadiisa ilaa intii uu soo ifbaxay magadciisa. Dadka Gobolka Gedo taariikh kale ayay ka hayaan Daahir Aweys iyo Xulufadiisii Al Itixaad.

Arinta Xisbiyada marnaba qabiil iyo nacayb kama marnayn. Tan uu yiri 1991 Araare yaanan Caydiid lagu hakinine dhaafa waxaa la mid ahayd tii Maxaakimta ay Jubba Hoose ku yimaadeen iyagoo Mareexaan doon ah halka ay Shabeellaha Hoose ka soo tilaabeen iyagoon la hadlin ina adeerkood.

Xasan Daahir Aweys iyo intii la fakarka ahayd ee Al Itixaad, Maxaakimtii iyo Al Shabaab, oo dantoodu ahayd diinta ugu gabada qabiilna ku laaya waxaa soo dhaweeyay dadka Reer Gedo oo mar walba diinta daacad u ah. Ururka Al Itixaad xarun waqti aad u gaaban jirtay ayay ka aas aaseen Gobolka Bari dagaal aan lala barbardhigi karin kii Gedo ka dhacayna waa uu dhacay. Dagaakii Gedo xasuus loola jeeday ayuu ahaa kii Bari ka dhacayna is tijaabin labo jabhadood ayuu ahaa.

Dagaalkii Gedo iyo daandaansigii Al Itixaad ee Amxaaro, markii dambe soo gashay gobolka iyaga oo ragii Al Itixaad qaarkood dantoodu ahayd sidaa iyaga oo rabay in Reer Gedo ay Xabashi xasuuqdo. Waa markii taariikhda ugu horaysay oo Gedo ay Xabashi cag soo dhigto. Dagaalkaas oo dhacay Dayrtii 1996 300 oo dhalinyaro Reer Gedo ah ayaa ku naf waayay. Nimankii Bari iyo Muqdisho ka yimidna markay xabada bilaabatay way carareen sidii hogaanka Maxaakimta ay yeeleen oo kale dabayaaqadii 2007.

Akhristoow waxaad ogaan Sheekh Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee inay Maxaakimta ka diideen Kismaayo ha ku boodina adinka oo Shabeellaha Hoose ka soo boodayo.

Intaasi hordhac iyo ifin wixii la soo maray ayay ahayd. Waa kan hoose maqaalka shabakada Hidaha.com ay kaga hadashay Xasan Daahir Aweys laguna daabay dhawaan.




Sh Xasan Daahir Aweys oo ah wadaad dagaal [ooga] ah oo haatana isu dhiibay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ka awood roonaadeen maleeshiyaadkiisii la oran jiray Xisbul Islaam.

Idaacada VOA-da ee ku hadasha Afka Sooomaaliga ayaa Barnaamij ay ugu magac dartay Ammuuraha Islaamka todobaadkan uga hadashay qeybtiisii 1aad taariikhda guddoomiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, gaar ahaan doorkiisii siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo mustaqbalkiisa.

Barnaamijkan ayaa ah mid hordhac ah wuxuuna ka soo hadlay taariikhihii soo maray Sh Xasan iyadoo lagu sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka xooga dalka Soomaaliya, markii dambana ku biiray urur diimeedyadii ka jiray [Koonfurta] Soomaaliya ilaa uu isugu biyo shubtay inuu Sh Xasan xubin Muhiim ah ka noqdo ururkaas oo la oran jiray Al-Itixaad ee caanka ka ahaa gayiga Soomaaliya.

Marka laga soo tago isbedelada iyo ururada uu kolba ku biirayay Sh Xasan Daahir Aweys, waxaa dhagaha dhageystayaasha soo jiitay taariikh dagaaleedkiisa iyo dowrkii uu ka qaatay dagaalada [sokeeye] ee Soomaaliya ilaa qaxii ka dib.

Markii Dowladii Kacaanka dhacday wadanka waxaa ka abuurmay jabhado aan isku siyaasad ahayn oo mid walbaa doonaysay inay xoog ku muquuniso inta kale.

Dadkii faraha badnaa ee ka qaxay Caasimada Soomaaliya Muqdisho waxaa ka mid ahaa tiro aad u badan oo maleeshiyaadkii Al-Itixaadka ka mid ahaa. Magaalada Kismaayo oo ahayd meelaha dadka ugu badani u qaxeen ayaa waxaa kaabiga saaray jabhadii uu hogaaminayay Janaraal Maxamed Faarax Caydiid Alle ha u Raxmadee oo ahaa ninkii ugu awooda weynaa jabhadihii markaa jiray marka laga eego dhinaca awooda ciidan.

Maleeshiyaadkii ururkii Al-Itixaad intoodii joogtay Gobolada Jubooyinka ayaa is abaabulay si ay u horjoogsadaan Maleeshiyaadka Janaraal Maxamed Faarax Caydii Alle ha u naxariistee ee baacsanayay jabhadihii [Faqashta] ay dagaalka isaga soo
horjeedeen.

Haddaba intuusan bilaaban dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyaadkii Janaraal Caydiid iyo Itixaadkii Gobolada Jubooyinka, sida uu sheegay Yusuf Abuukar oo ah taarikhiyahan Soomaaliyeed oo ka soo baxay Jamaacada Azhar ee dalka Masar, waxaa dadaal weyn muujiyay oo calan nabadeed qaatay Sh. Xasan Daahir Aweys oo markaas ku sugnaa Magaalada Muqdisho, wuxuuna u soo kicintamay dhinacaas iyo degmada Araare oo la isku horfadhiyay.

Sh Xasan Daahir ayaa isku dayay inuu Maleeshiyaadkii Itixaadka ee Gobolada Jubooyinka ku qanciyo inay Caydiid ka hor leexdaan oo aysan ka dhex galin baacsiga uu ku waday haraagii Dowlada Maxamed Siyaad Barre. Waxaase taas gaashaanka u daruuray Maleeshiyaadkii Itixaadka oo ahaa kuwo u badnaa Qabiilka Darood waxayna go’aansadeen inay Caydiid la dagaalamaan iyagoo ku sheegay dagaalkooda mid difaacu nafsi ah.

Sh Xasan waa uu ku fashilmay waan-waantii aan cadaalada ahayn, wuxuuna ku laabtay magaalada Muqdisho iyadoo labadii maleeshiyaad birta iska asleen walow markii dambe uu Janaraal Caydiid jiiray awoodii Itixaadka iyo tii Jabhadihii uu baacsanayay oo Kismaayo la wareegay.

Muddo kadib waxaa tiro aad u badan oo ka mid ahaa ururkii Al-itixaad isku urursadeen buuraleyda Gobolada Waqooyi Bari ee haatan loo yaqaan Puntland, xiligaas Sh Xasan Daahir wuxuu ku sugnaa magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo oo uu halkaas ka sii aaday Gobolada Waqooyi Bari, waxaana laga dhigay Taliyihii Maleeshiyaadkii Itixaadka ee deeganadaas.

Dagaaladdii Waqooyi Bari Sh Xasan Daahir wuxuu ku lahaa gacan weyn, wuxuu ahaa taliyihii maleeshiyaadka dagaal galiyay, wuxuuna ahaa ninkii qabtay Bosaaso, Qardho, Garoowe kana geystay xasuuq iyo barakicin baahsan.

Dagaaladii uu ururkii Al-Itixaad ka galay Gobolada Waqooyi Bari ee Soomaaliya wuxuu la galay jabhadii SSDF ee uu gar-wadeen ka ahaa korneel Cabdullahi Yusuf Axmed oo mar dambe noqday Madaxweynihii Dowlada Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya. Dagaaladii dhex maray labadaas dhinac waxaa looga adkaaday ururkii Al-Itixaaad ee uu Sh Aweys hogaaminyay.

Sh Aweys oo gacmihiisu ka qoyanaayeen dhiigii Soomaalidii Waqooyi Bari ayaa hadana markale isku dayay inuu Janaraal Caydiid u jid baneeyo oo markaas rabay inuu gobolka Gedo qabsado waxaase arintaas markale si qabyaaladaysan u diiday Maleeshiyaadkii reer Gedo. Lakiinse Sh Xasan ayaa markale qaatay calan nabadeyn oo Maleeshiyaadkii Reer Gado ee ururka Al-itixaad damcay inuu ku qanciyo inay ka hor leexdaan Maleeshiyaadkii Janaraal Caydiid.

Intaas kadib waxaa ku soo baxaya shakhsiyada Sh Xasan Daahir iyo waxa uu yahay, oo Sh Xasan labo jeer oo ay ka dhex qaraxday Janaraal Caydiidi Maleeshiyaadkii Itixaadka wuxuu ku baaqay nabad iyo in uusan dagaal dhicin, markii Korneel Cabdullahi Yusuf iyo Itixaadna abaan duule dagaal ayuu ka noqday. Mid waa hubaal Cudurka Sh Xasan haya wuxuu hayaa Soomaali oo dhan oo xitaa kuwii Araare ka dagaalamayay ee Itixaadka waxay Caydiid ula dagaalamayeen waxay ahayd qabyaalad iyo rag iska dhiciya.

Marka kale waxaad ogaataa qofkii u haystoow in Maleeshiyaadka Maanta iyo horjoogayaashooda garka la baxay cimaamadana xirtay ay yihiin diin u dirir inaysan ahayn oo mid kasta dantiisa gaarka ah iyo qabiil ka aargoosi u dagaalamayo.

Waxaa kaloo jira xan hoose oo ku aadan sababta Sh Aweys isugu dhiibay Maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo dadka qaar ku sheegeen inay jireen maleeshiyaad badan oo ku howgala magac Al-Shabaab oo ciil iyo cuqdad hore u qabay Sh Xasan Daahir iyo reer tolkiis oo mar un rabay in Sh Xasan xabada doorto markaasna ay dabka saaraan asaga iyo wixii ka ag dhowba. Lakiinse Sh Xasan Daahir oo dareensanaa arintaas ayaa doortay inuusan xabad ridin oo si nabdoon isu dhiibo. Arintaas oo ahayd mid loo bogaadiyay lana soo dhoweeyay marba haduu badbaadiyay dhiig iyo barakac ku iman lahaa dad iyagiiba toodii la yaaban lakiinse waxaa la rabay inuu go’aamada noocan oo kale mar hore qaato.

Friday, 11 March 2011

Saldhigyada Gobolka Gedo ee Ciidanka Xooga Dalka

Fariisimada Militiri ee Gobolka Gedo

Saldhigyada Waaweyn ee Gobolka Gedo

1. Garbahaarreey

Xarunta Gaaska Gobolka Gedo

2. Luuq
Xarunta Ururka  Libside
Difaaca Cirka – Jenetayaal ama qoryaha 100mm, 152mm

3. Balad Xaawo
Guutada 77aad

Lidka Diyaaradaha, Madaafiicda Goobta
4. Luuq
Ururka Hilaac

Gaadiidka Gaashaaman
5. Luuq
Guutada 16aad, Saldhiga Qooneey, Caabinta Guud

6. Malkaarreey
Xerada Tababarka Ciidanka Xooga Dalka 1960

7. Baardheere, Sarinleey iyo Maroodilow

Saldhiga 43aad
Xerada Bulsho ee Ciidanka Xooga Dalka
Xarunta Dabridka Degmada Baardheere

8. Faafaxdhuun
Guutada 54aad – 1963 (Horarkii Waraabaha), 1976 loo raray Furinta

Eriteriya iyo Shaqaalayntii Dulaalayda Dagaal Oogayaasha

Bilowgii Eriteriya: Faragelinta Soomaaliya iyo Shaqaaleyntii Dulaaleyda

Meeshii lagu gaaray 1999kii, waxaa Soomaaliya oo dhan Waqooyi iyo Koonfur soo baxay niman calooshood u shaqaystayaal ah  oo Itoobiya iyo Ereteria u kala adeega. Habeynadii maalintii yaabka uu k dhigay Baardheere, ayuu saqdii dhexe Korneyl Cumar Xaaji u dhaqaajiyey halkaas iyo Muqdisho via Jilib. Dadka Baardheere oo wanaag wada degenaasho ka dhexeeyo ayuu Korneylka la soo galay qas iyo dhibkii hoganaka SNF gobolk Gedo u gaystay.

Arootii markii Cumar laga waayay magaalda Baardheere, waxaa la isla dhex maray in isaga iyo saraakiil kale oo deegaano kale oo koonfurta Soomaaliya xarakaad ku lahaa, iney qandaraas hub soo dejin ka heleen dowlada Ereteriya.

Ereteriya oo markaas hubeynaysay dhaqdhaqaaqa Oromo oo ku sugnaa Xamar oo la dagaalmayey Itoobiya ayaa waxay heleen Gacansaar cusub. Xuseen Caydiid iyo Farataag ayaa ka mid ahaa nimanka dhuunigooda iyo u dhuun dulaalida howlsha Eriteriya u shaqo tagay.


Tixraac

  1. SNF (Somali National Front} Gedo, Jubbada Dhexe & Jubbada Hoose 1991-1999)
  2. Soo Ifbixii Al-Itixaad ee Koonfurta Soomaaliya  1991-1998
  3. Weerarkii ay Xabashida Al-Itixaad ku Gumaaday Luuq, Sebtember 1996
  4. Dagaalkii Nus Dariisaqa 1997
  5. Dagaalkii Dhaso iyo Nus Dariiq1997
  6. Dagaalkii Buurdhuubo 1997
  7. Heshiiskii SNF iyo Al-Itixaad, Ceel Cadde 1998
  8. Dagaaalkii Ahliga ee Gedo 1998-2004

Baardheere iyo Qalalaasihii SNF

Qalalaasihii Maamulka SNF iyo Maamulka Degmada Baardheere

Balad Xaawo wixii ka dhacay waxay horudhac u aheyd arimo foolxun oo Garbaahaarreey iyo Baaardheere ka dhacay. Balad Xaawo si nasiibdaro ah ayay u kala jabeen garbihii markii markii horaba isku hayay hogaanka SNF. Dhacdadii Balad Xaawo ee fadeexada noqtey ka dib, dhanka Garbahaarreey ayuu u dhaqaajiyey Jeneralaka oo dabkii koowaad oogay. Wax soo dhaweyn ah kama uusan helin reer Garbahaarreey oo iyaguna gaarkooda ula yaabanaa sheekada masraxa ka socota. Hadii uu soo dhaweyn waayey, Jeneraalka dhanka Baardheere ayuu u sii tilaabay.

Baardheere oo iska degan, dowlad aan saas u buurneyn u dhisantahay ayuu u yimid. Wuxuu ku dhaqaaqay inuu khilaaf  ka unkamo. Wuxuu bulshadii isku yeeray goobtii Shiirkole.  Maadaama uu ahaa qofka ugu sareeya taliska SNF, wuxuuna magacaabay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen isaga oo buul ka dhigay gudoomiyihii iyo kuxigeenkiisii horey u jirey.

Reer Baardheere oo ah dad isk xoogsado oo beerahooda fasha kana dhega xirnaa dhacdooyinka waqooyiga gobolka ayaa garan waayey waxay ka yeelaan arinta hogaankii SNF ay la yimaadeen.

Sidan ayey ahaayeen gudoomiye iyo ku xigeenkiisii; Xasan Ugaas Gudoomiye, Maxamed Cabdi Dhurwaa, halka uu Cumar Xaaji magacaabay Maxamed Aw Siraad Gudoomiye, Dhub Iswaal.

Halkaas kuma uusan istaagin Cumar Xaaji ee wuxuu yiri Gudoomiyaha ururka Haweenka waxaan u magacaabay Saxarla Shide Maxamuud Dhoore iyada oo ay jagadaas haysay Nasro Cabdulaahi Xasan Nuur.

Dadkii goobta joogay isxabadeyn iyo qalqal ayey ayey kala kulmeen goobtaas. Dadkii wax garadka ahaa iyo ragii kale ee xubnaha sar sare ka ahaa SNF sida Cabdirisaaq Isaaq Biixi waxay yiraahdeen maalintaas Cumar awood uma laha falkaan uu maanta ku dhaqaaay. Waa baaskii labaad ee Cumar Xaaji ka dhex abuuray bulshada gobolka Gedo.

Burburkii SNF

Bishii 9aad ee 1996, waa bishii ciidamada Xabishda Gedo cag soo dhigidooda ugu horaysay ilaa 1998 colaado ayaa ka jiray Gobolka Gedo. Dhibka dheef ayaa ka horeeyay oo waxaa ka sii horeeyay xili nabad iyo barwaaqo oo uu gobolka soo maray waayihii wadanka intiisa kale gaajo iyo cagobararka loo li'anayay. Gurmadkii Qaramada Midoobay ayaa xigay. Waayaha nabada iyo barwaaqada Gedo waxaa muxaadaradiisa wanaaga Gedo ku darsday Sheekhu Soomaal, Sheekh Shariif Cabdinuur.

Dabayaaqadii 1998, Cumar Xaaji oo joogay Doolow oo la jooga taliska ciidamada Itoobiya ayaa u yeeray Dr. Cali Nuur. Waxaa la amray in isku soo bax uu iskugu yeero dadka Balad Xaawo uguna khudbeeyo inaan wax heshiis ah lala gelin Al-Itixaad; wixii heshiis horey looga wada hadlayne ay dib uga laabteen.


Inta uusan dhameysan hadalkiisii ayaa wuxuu Cumar Xaaji sidoo kale goobtii ku dhawaaqay inuu Dr. Nuur ka qaaday jegadii ku-xigeenka SNF, uuna u dhiibay Ciise Ugaas.

Falalkan iyo arimo kale sida in ururka in waxgaradka Gedo ay ka maqnaayeen. Matalaad la'aanta Reer Gedo isaga oo gobolka uu magangelyo siiyay nus milyan barakacayaal ah oo Reer Galgaduud, Reer Banaadir, Reer Hiiraan iyo gobolo kaleba ay ku jireen, ayaa waayihii dambe laga soo bilaabo xoogaysigii Al Itixaad ilaa hanashadii maamulka Jubbada Hoose loogu abaal guday Gedo iyo Reer Gedo in dagaal un la dhex dhigo.

Intii Gedo timid oo dhan dhib ayay la damceen; Al Itixaad, Cumar Xaaji, Barre Hiiraale, Xasan Daahir Aweys iyo kuwo kale.

Gobolka Gedo arxan kama helin cid walba oo dhexdeeda jago laga siiyay ama ciidan iyo garab ka helay xitaa Barre Hiiraale oo ay Reer Gedo mas'uul ka ahaayeen cududa gacanta ku dhigtay Jubba Hoose.

Dabayaaqadii 1998, Cumar Xaaji oo joogay Doolow oo la jooga taliska ciidamada Itoobiya ayaa u yeeray Dr. Cali Nuur. Waxaa la amray in isku soo bax uu iskugu yeero dadka Balad Xaawo uguna khudbeeyo inaan wax heshiis ah lala gelin Al-Itixaad; wixii heshiis horey looga wada hadlayne ay dib uga laabteen.


Inta uusan dhameysan hadalkiisii ayaa wuxuu Cumar Xaaji sidoo kale goobtii ku dhawaaqay inuu Dr. Nuur ka qaaday jegadii kuxigeenka SNF, uuna u dhiibay Ciise Ugaas!


Sanadkii 1999 ayaa bilowday. Maalintii xigtey markii Dr. Cali Nuur uu yiri, “Waan ka laabanay heshiiskii Al-Itixaad.” Jeneral Cumar Xaaji Maxamed, waxaa uu ula jeeday ilaa hada lala amakaagsanayahay, wuxuu yiri, “Wax alle waxaan ku heshiinay Al-Itixaad waa noo go’aan waana la heshiinay oo nabad ayaan kula heshiinay.” Hadii Al-Itixaad ay soo dirsadaan wiilal yar yar waan la hadlaynaa.”


Dilkii Dr. Cali Nuur

Reer Gedo oo aan dagaal ceel iyo qolo qolo lagu aqoon aya waxaa bilowday dagaaal reer Gedo dhexdooda ah kaas oo ka dhashay dilkii Dr. Cali Nuur ka dib markii dilkiisa si loo macneeyo la waayay. Maamulkii SNF gudigiisa sar sare oo Reer Gedo ay ka maqnaayeen ayaa sababtay in si waafi ah loo sharixi waayo dilka Dr. Cali Nuur iyo guud ahaan wejiga cusub ee iska hor imaadyada iyo khilaafka siyaasadeed ee markaas gobolka ka taagnaa. Jifadii uu ka dhashaay Dr. Cali Nuur ayaa gaar isu taagtay.


Waxaa xigay in Luuq, Garbahaarreey iyo Buurdhbuubo nabad lagu wada joogi waayey. Lix sano, laga soo bilaabo 1998 ilaa 2004 ayaa meelo badan oo gobolka Gedo ka tirsan la isu mari waayey. Qax iyo barakac gudaha gobolka ah ayaa dhacay.


Mudo dheer ka dib ayaa fadhi laga yeeshay arintaas oo caasimada Garbahaaarreey ee gobolka ayaa sadex bilood laga wada xaajooday dhibka yaal Gedo. Gobolka Gedo oo bulshadeeda ay wada galeen la dagaalankii gaalo madow boqol sano ka hor, ayaa waxaa la dhex keenay colaadii gobolada dhexe ee wadanka lagu yaqiinaay. Dagaal joogta ah oo qoys qoys la isku gumaado.


Fadhigii Garbahaarreey waa uu mirro dhalay. Heshiis caam ah ayaa la gaaray ilaa la helay nabad waarta oo todobada degmo ee gobolka si nabad ah lagu waada noolaado noloshii iyo ganacsigiine uu caadi ku soo laabtay. Laguna heshiiyay iyo dowlad gobol la dhiso iyada oo degmooyinka 32 xubno gudi golle dhexe oo gobol laga soo dooranayo.

Meeshii lagu gaaray hortaantii 2005, gobolka Gedo nabad buuxda iyo nasri Ilaah ayuu helay dadkuna way u riyaaqeen isbdalkaas cusub. Burburkii SNF dan ayaa ugu jirtay Gedo.

Nabada iyo Nolosha Gobolka Gedo

Nolosha iyo Nabada Looga Tuntay Bulshada Gobolka Gedo

Sida la wada ogsoonyahay waxaa gobolka Gedo soo martey labo sano; waa inta badneyd labadii sano 1994 iyo 1995 oo nabad iyo barwaaqo ah. Dhanka adeegyaada bulshada waxaa sare u kacay waxbarashada tiiba Carabiga iyo diinta oo aad loo bartey, gaar ahaan degmooyinka Garbahaarreey, Luuq iyo Balad Xaawo. Soomaaliya inteeda kale waxay laa daalaaa dhaceysay dagaalo, amaaanxumo guud iyo gaajo.

Koritaan dhaqaale iyo waxbarasho diin iyo maadi leh ayuu ku taagnaa gobolka Gedo. Warbixinadii sanadadaas laga diyaariyey gobolka Gedo ilaa taariikhda maanta waa mid laga sheekeeyo.